|

Qarax lala Bartilmaameedsaday Masjidka Nebi Muxamed NNKH ee Magaalada Madiina DAAWO

Madiina 04.July 2016 (SDN/QJ):- Qof isku soo xidhay waxyaabaha Qarxa ayaa naftiisa ku qarxiyey meel u dhow rug boolis oo ku ag taalla masjidka rasuulka NNKH ee Magaalada madiina al-munawarah goor dambe oo galabta ahayd.

_90288010_mediaitem90286855Telefishinka af carbeedka ku hadla ee Al-carabiyah ayaa baahiyey in qaraxaasi ka dhacay meel u dhow rug ay ciidanka Boolisku ku leeyihiin duleedka masaajidka rasuulka NNKH ee magaalada madiina ee Boqortooyada sucuudiga.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay iyadoo ugu yaraan labo qarax oo kale ay isla maanta oo isniin ahayd ka kala  dhaceen  magaalooyinka Jiddah iyo Qadiif, waxana baraha xidhiidhka bulshada lagu baahiyey sawiro muujinaya qiiq madow oo ka kacay goobaha qaraxyadasi ka dhaceen.

Comments are closed