|

Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo Maanta Lagu Daah furay Qorshaha Madax Taabashadda iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawlada & Khudbadii Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Iyo Wasiirka Shaqo Gelinta DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ramsi ah u daah-furay qorshe ballaadhan oo lagu tiro koobayo shaqaale weynaha rayidka ah ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee dawladda, kaas ay hormood ka tahay hay’adda shaqaalaha dawladdu.

Munaasibadda daah-furka hawshan oo maanta  ka bilaabantay madaxtoyada Somaliland, ayaa waxa ibo furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ahaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle iyo wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, Marwo Hindi Jaamac Xirsi.

Ugu horrayn guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geele oo munaasibadda lagu daah-furay tayeynta iyo sugidda tirada shaqaalaha dawladda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa  tilmaamay inay tallaabadani tahay mid lagu kobcinayo xirfadda shaqaalaha, isla markaana caddaaladooda lagu sugayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxa aynu daah-furaynaa bilowga laba kaclaynta qaranka oo ah in la diyaariyo shaqaale wanaagsan oo qaranka siiya adeeg tayeysan, waxana aynu kobcin doonaa xirfaddooda, xoolahooda iyo dhammaanba wixii ay agab iyo adduunba inooga baahdaan si ay u bixiyaan adeeg wanaagsan”.

Comments are closed