|

QM: Aqoonsiga SSC-Khatumo rasmi ma aha

-Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay sheegtay in aysan si rasmi ah u aqoonsanayn SSC-Khaatumo maamul-goboleed ka dib markii dhawaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay cadaysay inay aqoonsan tahay madaxda Khaatumo.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing oo wareysi siisay Mustaqbal Media ayaa sheegtay in SSC-Khaatumo aan si rasmi ah loo aqoonsanayn.
Waxa ay caddeysay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu hoos tago dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda Federaalka aysan ahayn aqoonsi rasmi ah oo maamul goboleed. “Dabiici ahaan, Qaramada Midoobay ma siiso aqoonsi rasmi ah oo heer gobol ah, go’aankan wuxuu hoos imaanayaa awoodda dowladda Federaalka Soomaaliya, waa sida aan u fahmay,” ayay tiri Catriona Laing, oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Catriona waxa ay sidoo kale ugu baaqday SSC-Khaatumo iyo Somaliland in ay ka waantoobaan colaad hor leh oo wax dumisa, taa beddelkeedana ay galaan wada-hadal nabadeed si xal waara looga gaadho khilaafkooda.
Waxay intaas ku dartay, “Arrinta labaad waa in labada dhinacba ay iska ilaaliyaan khilaaf hor leh, ugu dambeyntiina waa in labada dhinac ay wadahadlaan nabadeed si xal nabadeed loo gaaro, sida la sheegay.”
Ugu danbayntii waxay ku boorisay dadkii ku waxyeeloobay colaada Laascaanood inay dib ugu soo laabtaan magaaladooda ayna ka shaqeeyaan sidii ay noloshooda dib ugu dhisi lahaayeen.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay hoggaanka maamulka Khaatumo, iyadoo xarunteedu tahay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Mawqifka dawladda ee ku aaddan aqoonsiga maamulka Khaatumo State, ayaa saamayn ku yeelanaya maqaamka rasmiga ah ee maamulkaas, kaas oo saamayn weyn ku leh shacabka SSC-Khaatumo oo ku lug leh colaadaha soo noqnoqday ee Somaliland, kuwaas oo hore ugu muransanaa deegaankaas.

Comments are closed