|

QM oo aqbalay dalabka joogida ATMIS

NY September 29, 2023 (QJ)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka jawaabay codsigii uga yimid dowladda Soomaaliya ee ahaa in lagu kordhiyo 3,000 oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo markii hore lagu waday inuu dhammaanayo dhammaadka bisha September.

Qoraal uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in codsiga Dowladda Somaliya uu gaaray Golaha, isla-markaana ay wada hadal la geli doonaan Ururka Midowga Afrika ee taageera ATMIS. Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Dowladda Soomaaliya in ay Midowga Afrika kala shaqeyso arrimaha ku saabsan soo daabulida Ciidamada.

Warqadda uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa looga codsaday Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) inuu taageero saadka, oo ay ku jiraan cunno, shidaal, gaadiid iyo taageero caafimaad, la siiyo ciidamada ATMIS illaa 31ka Oktoobar, 2023.

AMISOM ayaa ka kooban 17,626 askari waxaana ku jira 1,040 askari oo booliis ah iyo 15,900 oo askari. UNSOS oo ciidamada siisa dhanka saadka ayaa ku tiirsan deeq bixiyayaasha reer Yurub, maadaama aysan haysan ciidan u gaar ah. Xaaladdan dhaqaale waa mid cakiran iyadoo Soomaaliya ay weli wajaheyso xaalad amni oo adag.

Dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, iyo Djibouti ayaa taageeray codsigii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah loogu daro qeybta labaad ee ciidamada AMISOM, taasoo muujineysa in ciidamada AMISOM aysan si firfircoon uga qeyb qaadan doonin. Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay ugu wacan tahay dagaallada ka socda dalka.

Comments are closed