|

Qodobadda Heshiiska Hordhaca Ah Ee Wareejinta Dekedda Berbera,Qaabka Saamiyada loo Kala Leeyahay,Waxyaabaha qabanaya Labada dhinac Waa Turjumidii: Garyaqaan Sharci Dr, Maxamed Siciid Xirsi

Hargaysa 26.May 2016 (SDN/QJ):-  Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qodobadda heshiiska hordhaca ah ee ay wada galeen Somaliland iyo DP World, kaasoo aanu idiin soo turjunay nuqul ka mid ah.

Qodobada heshiiskan oo uu turjumay Garyaqaan Sharci DR, Maxamed Siciid Xirsi waxay u dhigan yihiin sidan;

Heshiis hordhac ah (Term sheet)

Heshiiska wareejinta Dekeda

Heshiiska hordhaca ahi waa qodobbo kooban oo fure u ah qodobbada ganacsi ee la xidhiidha bixinta hawl-socodsiinta Dekeda Berbera ee Somaliland. Dhinacyadu waxay doonayaan in galaan dhukumenti heshiis oo lagu fulinayo hwshiiska hordhaca ah, kuwaas oo ah sidan soo socota:

somaliland_uae-740x400Dhinac kastaa wuxuu aqoonsaday in xoggo cayiman oo xidhiidh la leh mashruucan in ay sir ahaadaan oo aan loo daahfurin cid sadexaad, haddii aan taas looga baahan dhamaystirka heshiiska ama sidaa aanu u baahan xeerarka nidaanku:

Gogoldhig

Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland (Xukuumadda) oo u maraysa maamulka Dekeda Berbera, waxay lahayd (mulkiga) oo maamulaysay dekeda Berbera ee Somaliland. Waxaa la soo jeediyay in lahaanshaha (mulkiga) iyo maamulka Dekeda Berbera lagu wareejiyo shirkad la wada leeyahay, iyadoo xukuumadu noqonayso (Bixiye).

Waxaa la soo jeediyay in bixiyuhu (Dawladu) siisay shirkad la wadaago, oo loo aasaasayo taas oo ay leedahay saamiyadeeda 65% shirka DP World FZE, 35% uu leeyahay bixiyuhu (shirkadaa oo hadda ka dib heshiiska dhexdiisa loogu yeedhayo La siiye), oo maamulaysa dekeda Berbera, maamulkaa oo uu la socdo xaqa: (a) In ay samayso shaqo balaadhin, maamusho oo wareejiso dekeda jirta iyo (b) In ay dhisto, maamusho oo wareejiso dekeda hadda jirta iyo deked kasta oo cusub ee Dekeda Berbera. Dhamaan dhukumentigani waa maba’dii heshiis oo u dhexaynaya bixiyaha (Grantor) iyo la siiyaha (Concessionaire), heshiiskaa wareejintu wuxuu la xidhiidhaa bixinta maamulka, dhiska iyo balaadhinta dekeda;

Qodobbada heshiiska:

Tiro Faahfaahin Sharaxaad
1 Dhinacyada ·         Xukuumadda (Inta ay tahay in ka heshiiso)

·         Bixiyaha (Grantor) Iyo

·         La siiyaha

Weheliyaan dhinacyada iyo shakhsiyada dhinac

2 Mashruuc Bixiyuhu wuxuu siiyay la siiyaha xuquuqda soconsiinta iyo maamulka dekeda si waafaqsan oo ku xadidan qodobbada heshiiskan wareejinta dekeda. Wuxuu kaloo bixiyuhu siiyay la siiyaha xuquuqaha in uu sameeyo shaqo balaadhin ah oo ay ku jiraan, maalgelinta iyo hawl-socodsiinta raacsan iyo maamulka shaqadaa balaadhinta.
3
4 U gaar ahaansho Mudada heshiiska:

·         Xukuumada iyo bixiyaha midna kama bixin karo Somaliland ruqsad ama tashiilaad kale oo la xidhiidha adeega konteenarada (hubin)

·         Kaabayaal cusub oo dekedeed lama samaynayo oo la tartamaya shaqada uu qabanayo la siiyuhu

Ilaa isticmaalka dekedu gaadho 75%, in la siiyuhu sii wadi waayo dhismaha awood dheeraada, xaaladaa Xukuumadu waxay siisay la siiyaha xaqa diidmada hore ee in la sameeyo deked la tartanta.

La siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa in uu marka hore diido deked dheeraada haddii ganacsi ahaan ay u qalmayso samaynta adeegyadaasi (hubin)

5 Hantida jirta & Hantida la bixiyay Maalinta wareejinta, bixiyuhu wuxuu ku wareejinayaa kharash la’aan xuquuq buuxda ee magaca iyo mulkiga hantida maguurtada ah iyo kaabayaasha aasaasiga ah ee dekeda ee ay dhinacyadu hore ugu heshiiyeen (Hantida jirta hadda)

La siiyuhu wuxuu xaq u yeelanayaa in uu dhaqmo si xilkasnimo ah xaalada maalinta wareejinta;

La siiyuhu ma samaynayo baadhis faahfaahsan oo la xidhiidha arrinta sida xaalada ciida, carqalada dheeraadka ah ee mawjada iyo egress ku haboonaanta helitaanka;

Foomka heshiiska bixinta waxaa la soconaya qeexitaanka hantida la bixiyay oo sheegaya liiska hantida la bixiyay ama la wareejiyay la siiyuhu uu dan ka leeyahay;

6 Mudada siismada

(Mudada heshiiska)

Mudada siismadu ama mudada heshiisku waxay soconaysaa mudo 30 sano ah oo ka bilaabanta maalinta wareejinta;

Mudadaa waxaa ku darsamaysa mudo kasta oo uu ku hakado sabab qadar alleh ah (Force majore) ama habsan kasta oo ku yimaada shaqada balaadhinta ama mudada ay shaqada dekedu istaagto ama si waafaqsan isbedeladaa;

La siiyuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu kordhiyo mudada heshiiska 10 sano oo dheeraada oo isla qodobbadan heshiiska wareejinta dekeda ama qodobbo ay labada dhinac ku heshiiyeen. Mudo kasta oo kordhin ah waxaa ka heshiinaya dhinacyada.

7 Kiraynta aaga Bixiyuhu wuxuu siiyay la siiyay kiraynta dhulka iyo kaabe kasta oo la xidhiidha iyo guud ahaan dekeda oo ay dhinacyadu ku heshiinayaan;

La siiyuhu waa in uu helaa sahan degaan oo laga qaaday aaga, haddii ay muuqato in uu jiro dikhaw ama wasakhaw hawo, bixiyuhu wuxuu ugu magdhaw ka siinayaa dhul si macquul ah oo la siiyuhu ku qanci karo;

Lahaasnshaha aaga iyo hawlgalka dekedu waxay saran tahay mar kasta bixiyaha. Xuquuqda la siiyaha ee arrintan waa sida waafaqsan heshiiska wareejinta dekeda.

8 Bilawga wareejinta Maamul wareejin ayaa loo abuurayaa wareejinta hawlgalka dekeda. Wareejinta rasmiga ahna waxay noqon doontaa sadex bilood gudahood laga bilaabo maalinta heshiiska la saxeexo.

 

Shirkadda dekedda lagu wareejiyey waxa ay ka masuul ahaan doontaa:

– In ay fuliso hawlo ballaadhinta dekedda ah, oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo ka shaqaysiinta dekedda hadda dhisan.

– Dhismaha iyo ka shaqaysiinta furdado cusub.

– Iyada oo dhammaan wax yaabaha dekedda lagu soo kordhiyeyna ay Somaliland yeelanayso mulkiyaddeeda u dambaysa.

– Shuruudaha Somaliland laga rabo heshiiska rasmiga ah ka hor:

– Sida ay dhinacyadu ku heshiiyeen shuruudaha hore waxaa iyagana raacaya oo lagama maarmaan ah in ay fulaan heshiiska rasmiga ah ka hor, shuruudaha ah:

– In uu marka hore dhaqangal noqdo oo uu shaqeeyo heshiiska saamileyda shirkadda cusub ee labada dhinac u abuurayaan maamulista dekedda Berbera, iyo sidoo kale heshiiska adeegga maamul.

– In Baarlamanku ansixiyo heshiiskan oo sida ku cad dhukumantigan Geeska Afrika uu helay lagu magacaabay Concession Agreement, mid ka mid ah qaamuusyada uu wargeysku isticmaalayna uu ku macnaynayo. Qandaraas dhex mara dawlad iyo shirkad oo shirkadda xaq u siinaya hawlgelinta iyo ku shaqaynta ganacsi ama haayad gaar ah, iyada oo aan ka baxayn xayndaabka shuruucda dalka, isla markaana shuruudo gaar ah oo laga heshiiyey lagu xidhayo.

– In xukuumaddu ay dhamaystirto ansixinta wixii sharci ahaan ansixin looga baahan yahay awood u siinta habaynta cashuuraha si waafaqsan Faqradda 18aad ee xaashida shuruudaha heshiiska.

– In la arko caddaymo muujinaya in Somaliland ay si sharciga waafaqsan shirkadda ugu wareejisay dhammaan xuquuqdii lahaanshiyo iyo hawleed ee dekedda.

– In Somaliland ay bixisay dhammaan rukhsadihii iyo fasaxyadii suurtogelinayey hawlaha ballaadhinta dekedda.

– Waxaa  Somaliland laga rabaa warbixin maaliyadeedkii ugu dambeeyey ee dekedda, iyo warbixinnihii shaqo ee dekedda hore looga diyaariyey.

Maxaa Somaliland ka mamnuuc ah inta uu heshiisku socdo:

Heshiiskani waxa uu xusayaa in muddada uu heshiiskani socdo aanay dawladda Somaliland u bannanayn in ay rukhsad siiso shirkad ama cid kale oo doonaysa in ay ka shaqayso rogista shixnadaha, gaar ahaan kontiinarada iwm. Waxa kale oo ka reebban in ay dhisto ama horumariso dekedo cusub oo shaqo ahaan la tartami kara dekedaha Somaliland ee ay gacanta ku hayso shirkadda lagu wareejinayaa, waa se’ haddii aanu isticmaalka dekeddu gaadhin boqolkiiba 75 intii ay qaban karaysay, shirkadda la wareegtayna aanay wadin dhismaha awood dheeraad ah, weliba marka ay sidaas tahayna Somaliland waxaa waajib ku ah in ay shirkadda dekedda la wareegtay ay xaq u siiso in ay diidi karto abuurista deked tartan la gasha. Shirkadda dekedda la wareegtay waxa kale oo uu heshiiskan horudhaca ahi xaq u siinayaa in ay diidi karto dhismaha ama soo kordhinta marinno shixnadeed oo kale, haddii ay u aragto in ganacsi ahaan ay iyadu (Shirkadda la wareegtay dekeddu) hawshaas qaban karto.

Muddada heshiiska iyo cidda awood u leh kordhintiisa:

Heshiiska horudhaca waxa uu caddaynayaa in muddada uu heshiiska la wareegista maamulka dekeddu soconayaa noqon doono 30 sano oo ka bilaabanaya taariikhda ay shirkaddu si rasmi ah ula wareegto dekedda. Waxa se’ waqtigan lagu kordhin doonaa wixii waqti ah ee ku luma dib u dhac ku yimaadda sabab aan awooddedu gacanta ugu jirin dhinacyada ama hawlaha ballaadhinta dekedda oo waqtiga loogu talagalay ka bata.

Sidoo kale shirkadda dekedda maamulkeeda la wareegaysaa waxa ay xaq u leedahay in ay iskeed muddada heshiiska ugu darsato 10 sano, oo isla heshiiskan hore uun lagu dhaqmayo, ama heshiis kale oo labada dhinac isla ogol yihiin la samaynayo. Wixii muddo kordhin intaas ka badanna labada dhinac ayaa ka heshiinaya.

Lacagta wareejin iyo awoodda kordhinta tacriifadda dekedda:

Heshiiska horudhaca ah waxaa ku cad lacag lagu magacaabay xaqal wareejinta oo ah lacagta aynu xaqal-qalinka ku magacowno ee heshiiskan oo kale marka uu dhaco ay shirkaduhu bixiyaan, waxaana dhukumantiga ku cad in Somaliland la siiyo lacag dhan 15 Milyan oo doolar oo 5 Milyan oo ka mid ahi ay noqonayaan qalab loogu talogalay in Somaliland uu ka caawiyo diyaarinta hawlaha wareejinta dekedda, kuna jiraan, Doonni nooca Taagga loo yaqaanno ee maraakiibta soo xidha ah iyo sidoo kale mid ah nooca Pilot ka loo yaqaanno, halka 10 ka Milyan ee soo hadhayna Kaash ahaan loo siinayo Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirkadda laga rabaa lacag sannadleh ah oo u qaybsanta laba nooc.

– 5 Milyan oo go’an oo joogto sannad kasta la siinayo xukuumadda, lacagtaas oo lagu sheegay in ay duuduub ahaan doonto.

– Iyo lacag boqolkiiba 10 ka ah dakhliga ay shirkadda dekedda lagu wareejinayaa soo saarto.

Dhinaca tacriifadda marka aynu eegnana, waxa uu heshiiskan horudhaca ahi shirkadda dekedda la wareegaysa xorriyad buuxda u siinayaa, dejinta qiimaha, wax-ka-beddelka, lacag ku soo rogista, ururinta iyo dib u kabista tacriifadda la xidhiidha isticmaalka dadka dekedda isticmaalaya iyo bixinta adeegyada, oo la waafajin doono shuruudda faqraddan ku cad. Shirkadda dekedda la wareegtayna waxaa laga rabaa in ay faafiso tacriifadda ay ka qaadayso adeegyada dekedda oo dhan.

Shirkaddu waxa ay tacriifaddaas ay faafisay kordhin kartaa sannadkii laba jeer, oo ay kala tashanayso xukuumadda, isla markaana hubinayso in tacriifadda ay qaadaysaa ay noqoto mid ay kula tartami karto dekedaha dalalka deriska.

Sidoo kale shirkaddu waxa ay xor u ahaan doontaa in ay ururiso dhammaan tacriifadaha laga qaadayo dadka isticmaalaya dekedda, ama iyadu toos ha u qaadato ama cid kale oo u ururisa ha u sii igmato, dawladda ayaana bixinaysa wixii ogolaanshiyo looga maarmi waayo hawshan.

Mustaqbalka shaqaalaha dekedda:

Heshiiska horudhaca ah ee wareejinta maamulka iyo shaqada dekedda Berbera waxa kale oo uu ka hadlay mustaqbalka shaqaalaha hadda ka hawlgala dekedda oo ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan, waxa aanu xusay laba qodob oo ah; in laga bilaabo maalinta shirkadda lagu wareejiyo dekedda ay shaqaalaysiiso shaqaalaha hadda ka shaqeeya dekedda, ee ay shirkaddu u aragto in ay ku habboon yihiin xilalka iyo boosaska ku habboon/ waafaqaya heshiiskan cusub maaliyad ahaan. Iyada oo shirkaddu arrintaas aragti macquul ah ku caddaynayso. Sidoo kale shaqaale lagu tilmaamay gaar balse aan la sii faahfaahin ayaa iyaga shaqaalaysiintooda lagu wareejinayaa xukuumadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadda lagu wareejinayo dekedda Berbera ka u magdhowaysa wixii sheegasho iyo xuquuq ah ee ay shaqaalaha dekeddu sheeganayaan heshiiska wareejinta ka hor.

La soco Qaybe Kale oo Heshiiskan la Xidhiidha

Comments are closed