|

Rabshadaha Dhallinyaradu Ka Sameeyaan Caasimadda Hargeysa Oo Soo Kordhaya Iyo  Roondada Booliiska Ee Habeenkii

Hargaysa 27,May 2016 (SDN/QJ):- Ciidammada Ammaanka, ayaa kordhiyey Hawl-galo ayay kaga hor-tagayaan Rabshado Dhallinyarada Xaafadaha Magaalada Hargeysa qaarkood ku kacaan Habeen Walba.

 

Rabshadaha Dhallinyarada sameeyaan oo iskugu jira Baadhasho ay ku kala kacaan Dadka keli kelida u socda Habeenkii oo ay ka qaataan Moobillada iyo wixii Hanti ah ee ay sitaan, ayaa soo kordhay tan iyo wixii ka dameebayay Xuskii 18-kii May ee Arbacadiii Toddobaadkii hore.

 

Dhallinyarada Rabshadaha Sameeya, ayaa Xuskii 18-ka May oo Ciidammada Ammaanku ku mashquulsanaayeen Dabbaal-degga 25 Guurada Madax-bannaanida Somaliland, ayaa dhallinyaradu suuqyada Hargeysa qaarkood ka geysteen baadhasho iyo Boob, waxaana Ciidamada oo markii dambe hawl-gal sameeyay qab-qabteen dhallinyaro badan oo dhibaato geystay.

 

Dhallinyarada Rabshadaha sameeya ayaa Mar-marka qaarkood baadhashada u adeegsada Hubka Fudud ee Budhadhka iyo Tooriyuhu ka midka yihiin, taasina waxay keentaa dhaawacyo iyo khasaare kale oo soo gaadha Dadka lagula kaco Falalka Baadhashada ah.

 

Hawl-gallada Ciidammada Booliisku kaga hor-tagayaan Rabshadaha Dhallinyarada, ayaa wixii ka dambeeyay Xuska 18-ka May si joogta ah uga socda Xaafadaha Hargeysa, iyadoo Magaalada Hargeysa inta ka horeysa lagu qaybiyo Ciidamo Booliis ah oo Koox koox u wada socda, kuwaasi oo ilaa niska dambe ee Habeenkii lagu arko Xaafadaha Magaalada ee lagu tuhmayo in dhallinyaradu fadhiisin ka dhigtaan.

 

Guddida Nabadgalyada Golaha Guurtida Somaliland oo doraad War-bixin siiyey Gole-weynaha Guurtida, ayaa ka deyriyey Rabshadaha dhallinayaradu ka sameeyaan Magaalooyinka Dalka, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, waxayna ku taliyeen in la dhaqan-geliyo Xeerka Nabadgalyada oo Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland hore u ansixiyeen isla-markaana Madaxweynuhu saxeexay.

 

Guddidu waxa kale oo ay ku taliyeen in la fuliyo Go’aamo ay isla qaateen Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa in Ciidammada ammaanka lagu taageero Tallaabo kasta oo ay ku ciqaabayaan dhallinyarada Xaafadaha ka sameeya rabshadaha iyo Baadhashada Dadweynaha.

 

Xildhibaan Axmed Cali Aadan Qalinle oo Golaha u akhriyey Talooyinka Guddida Nabadgalyada Guurtida, ayaa yidhi, “Dhawaan waxa Waxgaradka, Odayaasha iyo Cuqaasha Qarankani isla qaateen sidii loo heli lahaa Xal waarra oo wax lagaga qabanayo dhallinyarada Budhcadda ah ee Magaalooyinkeena jooga, waxaana lagu heshiiyey in Cid kasta oo lagu helo (Dambi) la marin doono Ciqaab gaadhsiisan ilaa Dil. Markaa Guddidu markay aragtay wixii dhacay dabbaal-deggii 18-ka May, haddii ay socoto aan wax laga qabana aanu Qarankani sii jireyn, sidaa daraadeed waa in Golaha Guurtidu soo saaro Go’aamo wax lagaga qabanayo Arrimahaasi. Waxa kale oo waajib Qaran ah in la fuliyo Xeerkii Nabadgalyada ee labada Gole asnixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexay…”

Comments are closed