|

“Rag baa yidhi reerku isagaa dhexdiisa is haysta reer dhexdiisa is haystaa ma jiro, waayo boqortooyadani waxay soo socotay ilaa 1770, Garaad Boon ayaanu ahaa.” Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Axmed Jaanbiir DAAWO

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Axmed Jaanbiir Suldaan oo ka soo jeeda Qoyska leh Saldanada Subeer Awal oo la aas aasay 1770-kii, wakhtigaas oo lagu Caleemo saaray Garaadkii ugu horeeyey magaalo xeebeeda Berbera, ayaa markii u horaysay ka hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee lagu caleemo saaray Suldaan labaad.
Axmed JaanbiirAxmed Jaanbiir Suldaan iyo Cuqaasha ka soo jeeda qoyska Reer Garaad Boon oo shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay Hotel Xaraf ee Hargeysa ayaa sheegay Qoyskooda inaanu ka dhex jirin wax khilaaf ah oo sababay in Suldaan kale loogu sameeyo, isagoo sheegay waligeed in aanay dhicin arrintaasi.
Axmed Jaanbiir waxa uu xusay Suldaan Xasan in uu yahay Suldaanka Guud ee Subeer awal isagoo ku saleeyey in saldanadooda dhaqan u lahayd marka qofka hayaa dhinto in la Caleemo saaro qof bedelaya, isagoo xusay in baroorta suldaanka geeriyooday iyo mashxarada suldanaka la caleemo saarayaa is garab socon jireen, balse aanay taasi hadda dhicin. “Meel kasta oo la caleemo saarayo garaad ama Suldaan waxay ahaan jirtay in mashxarad iyo baroori is garab socdaan. Maanta miyaa la hayaa tan la sheegayo, waa maya. Boqortooyo aan baroor iyo mashxarad lahayni may dhici jirin.” ayuu yidhi Axmed Jaambiir Suldaan, isagoo intaas raaciyay, “Waar saldanada ciyaarta ka daaya ayaan leeyahay.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Qolada kale ee isku dayday inay ku shaqaysato, waxay damacday in aanaan maantaba wada noolaan, laakiin waxa noo hiiliyay oo boqortooyada lahaa Subeer awal iyo Somaliland oo tidhi boqortooyada hanagaga ciyaarina.”
Isagoo hadalkiisa sii sharaxaya wuxuu yidhi Axmed Jaambiir, “Rag baa yidhi reerku isagaa dhexdiisa is haysta reer dhexdiisa is haystaa ma jiro, waayo boqortooyadani waxay soo socotay ilaa 1770, Garaad Boon ayaanu ahaa.”
Odayaal kale oo ka soo jeeda qoyska reer Garaad Boon ee Saldanada oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inaanay jirin meel beeshooda wax lagu weydiiyay iyo weliba meel uu ka jiro khilaaf ka dhex jiraa.
Halkan Hoose Ka Daawo warkaas oo muuqaal ah:-

Comments are closed