|

Robot Loo Adeegsanaayo Daawada Xanuunka Gaasteriga Oo La Ikhtiraacay

Washington 29. August 2017 (SDN/QJ):-Koox saynisyahano ah oo u dhalatay waddanka  Maraykanka ayaa ku guulaystay inay soo saaraan qalab aad u yar  yar oo awood u leh inuu galo caloosha dadka, sidoo kalena dilo Bacteria-da ku jirta caloosha dadka ee dhibka u keenta.

Khubaradan Saynisyahanka ah oo ka socotay Maxadka Engineering-ka ee Maraykanka ayaa muddo ku hawlanaa soo saarista qalabkan yar yar , kaas oo ay dherer iyo dhumucba le’ekaysiiyeen tinta dadka , waxaanu socon karaa ilaa Mindhicirka dadka , isaga oo intaasba ka nadiifinaaya Bacteria-daasi .

Waxa iyaguna ka qayb qaatay soo saarista qalabkan cusub khubaro caafimaad oo ka socotay California University , kuwaas oo dhinaca dawooyinka lagu laynaayo Bacteria-daasi ka caawinaayey Injineeradda hawlahan waday.

Khubarradda hawshan wada ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin inay helaan hab lagula dagaalami karo , laguna daweyn karo Xanuunka Gaasterida , gaar ahaana noocyada ku kala dhaca Caloosha iyo Mindhiciradda.

Xanuunkan oo hadda loo adeegsado dawooyin qofka afka laga siiyo oo loo yaqaano Antibiotics  iyo Protein , waxaana kuwaasi hadda lagu dari doonaa waxyaalo kale oo dheeraada  oo lagu daweynaayo meeshana lagaga saaraayo Bacteria-daasi.

Waxaana waxyaalahaasi kamid ah Proton oo xadidi doonta Acid-ka calooshu ay soo deynayso , iyada oo laga yaabo inay daweyntani qaadato muddo dheer ama waqti dheer, waxa kale oo ay keeni doontaa sida uu khabiir kamid ah khubaradani oo u waramaayey wargeyska The Health oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan sheegay samayn kala duwan oo ay kamid tahay madax xanuun, Mantag , yalaalugo iyo waxyaalo kale.

Qalabkan yar oo ah Robot ayaa ka samaysan dahaadh yar oo laga sameeyey Magnesium, taas oo si fudud hab Kombiyuutar hagaayo loogu dhex wadaayo caloosha iyo Mindhicirka qofka.

Waxaanu qalabkan yari dawada lagu sii shubaayo ku shubayaa gidaaradda Caloosha oo ay ku yaalaan meelo daloolo ah oo ay kasoo baxdo Acid-dha calooshu,iyada oo lagu tijaabiyey Jiirar yar yar oo calooshooda markii hore  lagu beeray Bacteria-da loo yaqaano H.pylori oo ah bacteria-da keenta Gaasteriga.

Waxaanay natiijadii tijaabadaasi noqotay mid muujinaysa inay aad uga wanaagsan tahay habka iminka la isticmaalo ee dawooyinka qofka loo qoro,iyada oo uu faa’ido badan keenay Proton-ka oo ah maado lagu daraayo dawooyinkaasi.

Comments are closed