|

Daraasad iftiimisay sida ay Buurnidu Waxyeelo ugu Tahay Wadnaha

Hargaysa 29. August 2017 (SDN/QJ):-Daraasad cusub ayaa shaacisay in buurnida xad dhaafka  ay cimriga qofka soo gaabiso. Daraasadan oo laga qaaday dad kumanaan qof ah oo dhallinyaro da’doodu tahay 20 sanno iyo kuwo da’ weynba ayaa cadaysay in buurnida iyo baruurta badani ay saamayn weyn ku leedahay caafimaadka qofka.

Daraasadan oo ay qaadeen khubarro Maraykan ah ayaa sheegtay in buurnida iyo baruurta xad dhaafka ahi ay saameeyaan shaqada wadnaha iyo dhammaan dareenada jidhka.  Waxaana ay tani sababtaa xanuunada wadan xanuunka iyo faaligga marka laga yimaado kaadi macaanka oo ay aad sabab ugu tahay dadka baruurta badan.

Maxakamaddda ugu saraysa midowga Yurub ayaa iyana dadka buuran u samaysay sharci ay sheegtay in loola macaamilo sida naafada kale, taasi oo keenaysa in shaqooyinka qaarkood aanay qabin Karin ama soo codsan Karin.

Shirkadaha ganacsiga qaarkood ayaa iyana shaqada ka erya qofka shaqaaalah ah ee miisaankiisu gaadho 160 kg, taasi oo ay sheegaan in aanu shaqo adag qaban Karin.

Comments are closed