|

Rooble oo ATMIS amar ku sii yay in ay Afecione sugaan

Genève (QJ) – Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo haatan booqanaya magaalada Geneva ayaa sheegay i uu faray ciidamada ATMIS/AMISOM iney la wareegaan amaanka xarunta teendhada Afisiyooni oo la filayo in beri lagu qabto doorashada gudoonka golaha shacabka BFS.

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota” ayuu yiri Rooble

Hoggaanka ATMIS ayuu sheegay Roble inay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskiisa iyo Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka.

“Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga” ayuu yiri Rooble.

Talaabadan ayaa u muuqata mid looga hortagayo in fadhiga beri ay ka qeyb galaan Xildhibaano la sheegay in lagu soo doortay Garbahaarey oo gadaal ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Talaabadan ayaa u muuqata mid looga hortagayo in fadhiga beri ay ka qeyb galaan Xildhibaano la sheegay in lagu soo doortay Garbahaarey oo gadaal ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Comments are closed