|

Ruushka oo lagu Eedeeyey inuu Jabsaday Doorashadii Maraykanka & Dhawaqa Barack Obama

Washington 11. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama ayaa amar ku siiyey hay’adaha wardoonka ee Maraykanka inay si sal-ballaadhan dib ugu eegaan wararka la xidhiidha in Ruushku uu jabsaday agabkii doorashooyinka Maraykanka ee sannadkan dhacay.

b1bb110e-30bb-4735-9ddd-59703c454489_w987_r1_sKa dib markii madaxweyne Obama uu hadalkan shalay ku dhawaaqay ayaa laba ka mida wargeysyada ugu waaweyn dalkan Maraykanka waa New York Times iyo Washington Post waxay qoreen in Ruushku uu faro geliyey doorashada Maraykanka si uu u gacansiiyo Donald Trump.

Wargeyska New York Times ayaa ku waramay in Ruushku u dhacay computero ay lahaayeen guddida dhexe ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadigaba, laakiin ay sii daayeen oo keliya xogihii ay ka xadeen dimoqraadiga.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka xukuumadda Obama oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay wargeyska New York Times, inay kalsooni buuxda ku qabaan in Ruushku ay jabsadeen xarumaha dhexe ee Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga, isla markaana aanay sii daynin xogihii ay ka xadeen xisbiga Jamhuuriga.

Wargeyska ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka Maraykanku inay aqoonsadeen shakhsiyaad Ruush ah oo loo aanaynayo weeraradii dhinaca internetka, hase ahaatee aan weli cidna wax tallaabo ah laga qaadin.

Wargeyska Washington Post ayaa isagu sheegay in CIA ay aaminsan tahay in Ruushku ay farogeliyeen doorashadii dalkan Maraykanka si ay Trump uga caawiyaan inuu guulaysto, waxaana sarkaal aanay magaciisa sheegin uu wargeyska u sheegay in xogaha la soo bandhigayey ay u xaglinayeen hal murashax isla markaana lagaga soo horjeeday mid kale.

Comments are closed