Hargaysa 19. June 2017 (SDN/QJ):- Wakaalada sirdoonka ee dalka kuuriyada Koonfureed ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in mdaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu 51 goor soo xaadiray munaasabado caam ah intii lagu jiray lixdii bilood ee u horaysay sanadkan 2017, taas oo macnaheedu noqonayo in hoos u dhac 32% ahi ku yimiday qiyaastiisii uu lixdii bilood ee sanadkii tegay u horeeyy uu soo xaadiray munaasabadaha caamka ah, waana talaabo muujinaysa in Kim Jong Un uu bilaabay inuu taxadar dheeraad ah sameeyo, tan iyo intii uu xafiiska yimid Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump oo goolaaftan iyo cagojuglayn ku bilaabay kuuriyada waqooyi
Sirdoonka Kuuriyada koonfureed waxa ay warbixintooda ku sheegeen in ka soo muuqashadii meelaha caamka ah uu ka soo muuqan jiray Madaxweyne Kim Jong un ay si weyn hoos ugu dhacday tan iyo sanadkii 2013, waxana ay arintaa u aaneeyeen sababaha ay ka mid yihiin
- In madaxweyne kim jong un uu waxii xiligaa ka dambeeyey si adag oo dhamaystiran gacanta ugu qabtay xukunka dalka, intii horase uu ku mashquulsanaa sifaynta siyaasiyiintii uu ka baqayey ee mici gabaarka ahaa ee la soo shaqeeyey aabihii iyo awoowgii, siyaasiyiintaa oo uu waxna dilay waxna xidhay, waxna dalka dibadiisa u baxsadeen.
- Sababta labaad waxa lagu sheegay in Madaxweynaha dhalinyarada ahi uu helay macluumaad faro badan oo ka waramaya shirqoolo lagu oonayo in isaga lagu dilo taasina ay keentay inuu taxadar sameeyo, waxana la sheegay in xitaa hadii uu munaasabad tegayo uu tago xilli subaxnimada hore ah oo dadka badankiisu hurdaan, isagoo u sii raaca munaasabadaa gaadhi uu leeyahay mid ka mid ah mas’uuliyiinta dawladiisa oo uu ku amray inuu soo maro, halkii uu ka raaci lahaa gawaadhidiisa gaarka ah.
