|

Xiliga Dahabiga ah ee bisha Ramadaan ee aad gubi karto dufanka jidhkaaga  ku jira

Hargaysa 19. June 2017 (SDN/QJ):- Tiro badan oo dadweynae ah ayaa bisha barakaysan ee ramadaanta waxa ay ku mashquulaan xaaladooda caafimaad iyagoo soo buux dhaafiya goobaha caafimaadka, laakiin arintaasi ma aha mid keligeed ku filan inaad caafimaadkaaga ku dryeesho laakiin waxaa halkaa ah xeelado kale oo tusaale ahaan miisaankaaga hoos u ridaysa inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Khubarada dhanka cunto qaadashada ee caalamiga ah waxa ay sheegayaan in uu halkaa yahay wakhti gaar ah oo bisha Ramadaan ku jira oo ay suurogal kuu tahay in aad gubto dufanka iyo baruurta jidhkaaga saran isla markaana yarayso miisaanka jidhkaaga, waana xiliga ay khubaradaasi ugu yeedheen ‘Saacadda Dahabiga ah’ waana socod aad samayso ka hor xiliga afurka saacad ama labo saacadood, sida ay baahisay wakaalada wararka ee routers oo soo xiganaysay khubaradasi, waan xiliga uu macaan xadigiisu yar yahay ku jiro jidhkaaga hadii muruqyada jidhkaagu shaqeeyaana ay dibada iska dhigi karaan dhamaan macaanka iyo dufanka dheeraadka ah.

Khubaradau waxay ku taliyeen in socodka aad xiligaas oo kale samaysaa uu u baaan yahay in aadan wax cunto ah qaadanmuddo nus saac ah oo ka sii dambaysa  marka aad dhamayso socodkaaga taas oo macnaheedu yahay in aad ugu dambayn socodkaaga jimicsiga ah dhamayso nus saac ka hor xiliga afurka.

Comments are closed