|

Sacuudiga iyo Masar oo Heshiis ka Gaadhay Dhisida Buundo Isku Xidhi Doonta Qaaradaha Afrika iyo Asia

Riyadh,11,4,2016 (QJ/SDN) – Boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz-ka Sucuudiga ayaa sheegay inay heshiis wada gaadheen wadanka Masar iyo Sacuudiga kaasoo ku saabsan dhisida buundo kormarta Badda Cas oo si toos ah isugu xidheysa labada dal.

Boqortooyada ayaa arrintaan uga dhawaaqday telefishinka kadib kulankii madaxweynaha Masar, Cabdal Fataax el-Sisi iyo boqor Salmaan ka hor heshiiskii labada wakiil ay kukala saxiixdeen maalgashigaa.

Salmaan ayaa sheegay in heshiis wax ku ool ah uu la gaadhay madaxweynaha Masar.

Arrintaan ayaa sidoo kale noqotay tillaabo taariikhi ah oo si toos ah la isugu xidhayo labada qaaradood ee kala dhaca Afrika iyo Asia oo lagu wado inay sare u qaado xidhiidhka ganacsiga ee dalalkaasi heshiiska gaaray iyo guud ahaanba labada qaaradood.

Weli si toos looma shaacin goobta rasmiga ah ee laga taagayo buundadaasi hase yeeshee agagaarka ugu haboon ayaa lagu sheegay koonfurta Sharm el-Sheikh ee wadanka Masar iyo Ras Alsheikh Hamid oo ku taala Sucuudiga.

Qorshaha dhisida isku xirka buundada ee kormareysa Badda Cas ayaa goobta laga galayo lagu sheegay gacanka Aqaba oo sanado dhowr ah iska ahayd dhuumo duleela.

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa taageertay Mr Sisi, kadib markii uu xukunka ka tuuray sanadkii 2013 madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Maxamed Morsi oo ka tirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kaasoo shaki badan ay ka qabtay Xukuumadda Riyadh.

Comments are closed