|

Sacuudiga Oo Markii Ugu Horeysay Taariikhda Xukun Dil Ah Ku Fuliyay Nin Ka Tirsan Qoyska Reer Boqor

Riyadh 20.October 2016 (SDN/QJ):- Amiir Turki bin Saud Al-Kabir oo ka mid ah qoyska reer boqor ee dalka Sacuudiga xukuma ayaa waxaa lagu fuliyey xukun dil ah oo qoorta looga jaray.

 

b20Waxaa lagu eedeeyey inuu sanadii 2012 feer iyo laad nafta uga jaray nin shacab ahaa oo ay isqabteen.

 

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in shalay lagu fuliyay xukun dil ah mid ka mid ah wiilasha reer boqor oo lagu magacaabo Turki bin Saud Al-Kabir si loo adkeeyo amniga, caddaaladda iyo fulinta xukunka ALLE.

 

Maxkamadda ugu sareysa ee dalka Sacuudiga ayaa ninka la dilay ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay ee dilka ah, xilli uu racfaanno hore kasoo qaaday xukkunno ay rideen maxkamadaha hoose.

 

Waa markaii ugu horreysay taariikhda ee qoorta laga jaro xubin ka tirsan qoyska reer boqor ee dalka Sacuudiga hogaamiya.

 

Dowladda Sacuudigu ayaa xukun dil ah ku fulisay sanadkan gudihiisa dad gaaraya 128 ruux oo dembiyo kala duwan lagu eedeeyey.

Comments are closed