|

Itoobiya oo Sheegtay inay ka shaqeysay Nabadeynta Gaalkacayo, Puntland iyo Gal-mudug oo Beeniyay Warkaas

Gaalkacayo 20.October 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Itoobiya ayaa sheegaysa in saraakiil ka socda dalka Itoonbiya ay heshiisiiyeen maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhowaan ku dagaallamay Gaalkacyo.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed, ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in labada dhinac lagu heshiisiiyo, balse aanay walo soortgalin .

Dhanka Puntland, Wasiirka deegaanka, Cali Cabdullahi Warsame, ayaa tilmaamay in aanay  jirin kullan dhexmaray labada dhinac iyo wax lagu heshiiyay.

Hadalladan ayaa imaanaya kaddib markii war lagu qoray bogga ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya lagu sheegay in dhinacyadu ay qaateen heshiiskan nabadeed.

warka ka soo baxay  dawlada Itoobiya lagu sheegay  in Puntland iyo Galmudug ay fullin doonaan heshiis xabbad joojin ah iyo inay ka fogaadaan wax kastoo colaadda kicin kara.

Comments are closed