|

“Saddexduba Waa Xisbiyo Qaran, Qof Meel Ku Qasbanna Ma Jiro, Dadkuna waxay Codkooda siin doonaan Qofkii Hadal Wanaagsanaada ee Ciyaar wanaagsanaada..” Cabdicasiis M.Samaale

Hargaysa 30. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay loolanka Xisbiyada Qaranku ugu jiraan Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Dalka ka dhacdo bisha November ee Sannadkan 2017-ka.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dadku ay Xisbiyada ku kala dooranayaan Barnaamijyadooda Siyaasadeed iyo habka asluumaysan ee ay Shacabka Codka ku waydiistaan, sidaa darteed loo baahan yahay in Xisbiyadu si wanaagsan ugu tartamaan Saaxadda.

Samaale oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay Goobtu waa goob tartan, Qof walba Xisbiga uu doono ayuu geli karaa, laakiin waa in Ummadda Codkeeda si Sharaf leh loo raadiyo, waxaynu u baahanahay iyagoon Qabyaaladi jirin in si Sharaf iyo karaamo leh loo tartamo, oo halgankaa iyo Taariikhda aynu muddada dheer lahayn aanay si sahal ah ku lumin.”

Mr. Samaale wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Qof walba uu xor yahay inuu Xisbiga uu doono uu gelo isagoo Madax-bannaan “Waxaan Tilmaamayaa in Saddexda xisbi yihiin Xisbiyo Qaran, Qof walbana uu u Madax-bannaan yahay Xisbiga uu gelayo, Qof meel ku qasbanna aanu jirin, laakiin waxa loo baahan yahay inaad ku meel marto Maskaxdaada iyo Fikirkaaga oo xor ah, Dadkuna waxay Codkooda siin doonaan Qofkii Hadal Wanaagsanaada ee Ciyaar wanaagsanaada.”ayuu yidhi.

Comments are closed