|

Doorashada ,Is-Beddelka Nolosha Somaliland & Hanka Siyaasiyiinta Xilku Madaxa Maray

Hargaysa 30. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaan goobaha barkulanka bulshada maalmahan ugu soo joogay Magaalada Hargeysa, dad badan oo dhallinyaro ah oo waliba intooda badani mutacalimiin yihiin oo aan qaadan kaadhka codbixinta ee doorashadda madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa lagu galayo ee ka socotay gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Dadkaasi oo qaarba si ay sababtii uga baaqdeen iiga sheekeeyay, waxay u bateen intii tidhi siyaasadda ayaannu qulub ka qaadnay.

 

Waxaa qaar sheegeen inay ka hor xidhantay wakhtigii la waday diiwaan-gelintii ee waraaqda la qaadanayey. Waxase aan xusi karaa dhawr qof oo middiba si iila wadaagay waxay xuquuqdaas dastuuriga ah iskaga lumiyeen. Nin ayaa iiga sheekeeyey wuxuu ku nacay, waxaannu yidhi “Waxaan u nacay Xildhibaan Baarlamaan oo aan doortay 2005tii oo soo baxay oo markii uu kursiga ku fadhiistay ay beenowday wixii uu nagu akhriyi jiray oo aan xataa imika ka soo xaadirin aasaska reerkiisa, dadkii soo doortayna aan dib ugu soo noqon.”

 

Mid kale wuxuu tilmaamay inuu ku nacay doorashada inaanay madaxda la dooranayaa dareemaynin in dadweynuhu yihiin hay’adda u sareysa ee ay shaqaalaha u yihiin.

 

Waxaa uu ku dooday in madaxdu Somaliland uga xumaato dadka oo iska sareysiiya masuuliyiintii ay dirteen, halkii ay ahayd in masuuliyiintu yaqiinsadaan in cidda ay u diran yihiin tahay bulshada (Codbixiyeyaasha).

 

Nin shaqaale dowladeed ahaa nus qarni ku dhowaad oo u soo shaqeeyay dowladihii Somaliland iskaga dambeeyay iyo tii Taliskii Siyaad Barre-ba, waxaa uu ii caddeeyey inuu ku salluugay codaynta inaanay waxba ka beddelayn noloshiisa qaadaa-ma-dhergaha ah oo aannu saddexda xisbi qaran midna ku arag qorshe/himilo lagu suulinayo sicir-bararka waddanka ka taagan ee daa’imay.

 

Wuxuu ka cowday biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada oo lacag adag ah, waxaannu is weydiiyay inay shacabku dul-badan yihiin “Xaalada adag Somaliland ku ahi.” Wuxuu ka mid ahaa dadka ku dhegsan in Somaliland haddii ay hal-abuurnimo iyo caqli kaashato is bixin karto aqoonsi la’aan.

 

Ku darsoo waxaa jira tiro dad ah oo hore isu-diwaangeliyay, wakhtiganse aan fadhiga uga kicin kaadh qaybinta oo wakhtigeedu gabogabo yahay.

 

Waxaa xusid mudan bulshada intii aan si guud iyo si gaar ahba ula haasaaway, wali ma arag qof qaan-gaadh ahaa oo waddanka joogay oo aan codaynin aftidii dastuurka ee Somaliland ka dhacday 31-kii May 2001-kii, waxaanan yaqiinsaday inay xaqiiqo ahayd natiijadii aftidii dastuurka oo bulshada Somaliland ku xalaalaysay (Boqolkiiba Toddoba iyo Sagaashan) 97%. Waxa kaloo aan soo taabtay dadka u badan ee aan codaynin aftidii dastuurku waxay noqdeen bulshadeenna ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle. Waxa kaloo aan dareemay in dadka gobolladaasi ay xilligan u jeellan yihiin ka-qaybqaadashada doorashooyinka iyo inay madaxdooda soo doortaan labadaba. Inkastoo aan sidaas ka ogaaday intooda ku nool Hargeysa ee degan, wax ku barta ama safarkaba ku yimaada.

 

Waxa dadka degaanadan kor ku xusani ay aqlabiyadoodu la dhacsan yihiin heshiiskii ay wadagaleen Dowladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Prof. Cali Khaliif Galaydh 17-kii June, waxaanay qabaan in Somaliland wanaagsan la heli karo iyadoo looga dhabeeyo in dastuurka wax ka-beddel lagu sameeyo si loo hawaysto awood qabsi iyo wax wada lahaansho rasmi ah.

 

Waxaa intaas ii raacda in bulshada Sool iyo Buuhoodle la jiraan in wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo la dhammaystiro heshiiskooda ka hor inta aannu Madaxweyne Axmed Siilaanyo xafiiska ka tagin, si aanay mustaqbalka u noqon fikir aan dib loo xaalaynin.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Comments are closed