|

Safiirka Jabuuti U Jooga Soomaaliya Oo Dadka Ku Hadla Afka-Soomaaliga Ku Matalaya Shirka Qallinleyda 3 Qaaradood

Jabuuti 27. May 2017 (SDN/QJ):- Dr. Aadan Xasan Aadan, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, ahna Gudoomiyaha Qalinlayda Soomaalida (Somali PEN), ayaa kaga qeybgalay Dalka Senegal  shirweyne ay ka qaybgelayaan ururada ay ku midaysan yihiin Qoreyaasha ka kala socda saddex qaaradood, lagaga hadlayo doorka  Qoreyaasha ee nabad-dhisidda iyo ka hortagga falalka ku dhisan gacan ka hadalka.

Gobolka Geeska Afrika waxaa metelaya laba urur oo mid ka mid ahi yahay ururka Qalinleyda Soomaalida ee Somali PEN oo fadhigiisu yahay dalka Djibouti. Dr. Aadan Xasan Aadan oo Guddoomiye ka ah ururkaas ayaa khadka telefoonka ugu waramay Ismaaciil Xuseen Farjar oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa isagoo ka jawaabaya Su’aashii u horeysay ayaa yidhi “Walaal waxaan ka qeybgelayaa shirweyne Ururka Qalinleyda Caalamka ee qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Laatiin-Ameerika, oo ka dhacaya magaalada Dakar, waxaanay ka wada hadlayaan sidii Qorayaashu kaalin uga qaadan lahaayeen nabadda, iyadoo saddexda qaaradood gacan-ka-hadalka, iyo cunfiga kala duwanaanta Diimahu ku salaysan ku sii badanayaan.

Mar la weydiiyey Dr. Aadan, oo la weydiiyey bulshada Af Soomaaliga ku hadasha cidda u metelaysay shirweynaha ayaa ku jawaabay,

“Geeska Afrika wax aka qeybgalay laba urur, Qalinlayda Af Soomaaliga ku hadasha, (Somali PEN) iyo Qalinlayda ku hadasha afka canfarta, labada urur ma metelaan dal, balse waxay metelaan bulshada ku hadasha afafkaa, wadanka ay doonaan ka ku noolaadeene. Labada ururba xarumahoodu waa dalka Jabuuti, isla markaana metelayaan Aniga (Dr. Aadan Xasan Aadan) iyo Caasha Maxamed Rooble waxaana runtii imaatinkayaga soo dhiirigeliyey, soona maalgeliyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.

Dr. Aadan, oo isla markaana ah Safiirka dawladda jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya oo la weydiiyey, adigu waxaad metelaysaa ururka Qalinlayda Soomaalida, maxaa idiin qorshe ah, oo aad la tagteen ayaa ku jawaabay,

“Mar walba waxa noo qorshaysan horumarinta dhaqanka iyo suugaanta, hadday noqoto ta maanta laga hadlayo ee suugaanta nabadda, iyo kaalinta ay ku leeyahiin qalinlayda Soomaalida, la dagaalanka cunfiga, iyo sida ay marwalba ugu heelan yihiin nabadda.

S: Arrimaha dhaqanka, intaynaan ka bixin hore waxa u jiray machad afka Soomaaliga oo magaalada Muqdisho, ku dhagax-dhigeen Madaxweynaha Jabuuti & Madaxweynahii hore Soomaaliya, xagguu ku dambeeyey?

“Xarunta labada madaxweyne dhagax-dhigeen waxay ahayd Akadamiyadda Afka Soomaaliga, sannadkii 2015 bishii labaad, hawsheediina way socotaa, dhowaan in dhismaheeda la bilaabo ayaan ku tallo jirnaa.”

S: kulankani muddo intee le’eg ayuu soconayaa, oo mowduucyada lagu falanqeynayo socon doonaa?

“Kulanku maanta (Doraad) ayuu Raysal-wasaaraha Senegal, oo metelaya Madaxweynahooda uu furay, muddo saddex maalmood ayuu socon doonaa’’.

S: Kulankan maxaad ka filaysaa inuu ka soo baxo, marka aragtiyaha iyo doodaha socda la soo gebagebeeyo?

“Waxaa la filayaa inuu ka soo baxo bayaan taariikhi ah oo loogu yeedhayo dawladaha Diimaha ku dagaalama inay xaq-dhowraan xuquuqal-insaanka, inay dhowraan kala-duwanaanta, muhiimadda dhowaaqaa ugu weyn Qalinlayda Afrika, Aasiya iyo Laatiin-Ameerika waa inay maqashiiyaan caalamka suugaanta loo adeegsado nabadeynta iyo walaalaynta.”

Comments are closed