|

Saraakiil Ajaanib ah iyo qalab casri ah oo la geeyey goobaha uu qaraxii Zoope ee Muqdisho burburiyey & Baadhista Dhacdooyin la Yaab Leh

Muqdisho 18. October 2017 (SDN/QJ):- Shaqaale ka socda UNSOM ayaa ka taageeraya Dawladda Federaalka ee Somalia ee Goobidda iyo Samatabbixinta dadka ku hoos jira goobaha ay ka dhaceen qaraxyadii 14-kii Oktoobar.

QM waxay bixisay qalab takhasus iyo shaqaale si ay uga caawiyaan shaqaalaha Soomaaliya ee howlaha gurmadka ah ku jira

 

Kooxda QM ayaa siisay daawo dheeraada, isku duwid iyo gargaar, iyagoo geeyey goobta mashaqadu ka dhacday qalab lagu ogaanayo nolosha, kaasoo la shaqeeya tiknoolijiyada, si loo helo calaamadaha ugu yar ee nolosha sida codadka ay sameeyeen dhibbanayaasha ku hoos jira burburka kuwaasoo tilmaamaya goobta dhabta ah ee qofku kaga jiro burburo.

 

QM ayaa sheegtay in Qalabkani uu awood u siiyey kooxda gurmadka inay si buuxda oo firfircoon u raadiyaan dadka ku hoos jira burburka.

 

Waxyaabaha kale ee la baarayo waxaa ka mid ah nooca miinooyinka loo adeegsaday qaraxa, xogta laga hayo gaadiidkii qaraxa lagu geystay, qofkii wadday ee is qarxiyay, iyo meelihii uu soo maray gaariga.

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa cambaareeyay weerarradii qaraxyada ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee ay ku dhinteen tiro ballaaran oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

“Waxaan la fajacay oo aan ka naxay tirada dadka ku dhintay qaraxa iyo baaxadda burburka uu qaraxyadu geysteen,” ayuu yiri. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo asxaabta inii dhimatay, waxaana caafimaad iyo soo kabasho u rajeynaynaa inta dhaawaca ah iyo inta kale ee waxyeelladu soo gaartay.”

Comments are closed