Hargaysa 28. June 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Mahdi oo ka mid ah saraakiisha ugu sar-sareysa Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE, ayaa ku dhawaaqey in uu gebi ahaan ba iska casilay Xisbigaasi isaga oo madal uu ka hadlaayey ku caddeeyey sababaha iscasilaadiisa iyo weli ba sida oo kale Xisbiga uu ku biiraayo.
Siyaasi Cali Mahdi, ayaa sida oo kale eedahii ugu cuslaa u soo jeediyey Xisbiga KULMIYE oo uu ku sheegay in uu yahay xisbi ka shaqeeya kala qoqobka bulshooyinka Somaliland isla mar ahaantaana aanay munaasib ahayn in lagu aamino talada dalka.
https://www.youtube.com/watch?v=kOE2IDLGynA
