|

SAWIRRO: Ganacsato Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo boob loogu geystay dalka Koonfur Afrika

Pretoria,25,6,2016 (QJ/SDN) – Tuulooyin hoos yimaada magaala madaxda Dalka K/Afrika ee Pretoria oo maalmihii ugu dambeyay boob iyo barakac loogu geystay ganacsatada Qoxootiga ku ah dalkaasi ayaa hadda deggan, waxaana jira dhalinyaro dhaawacyo soo gaareen intii ay socdeen rabshadahaasi.

Tuulooyinka boobka loo geystay oo gaarya ilaa shan Tuulo ayaa waxaa Ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen dukaamo iyadoo ay soo gaareen khasaaro lixaad leh.

Dukaamada la boobay ayaa waxaa lagu qayaasaa ilaa sedex boqol oo isugu jira dukaamo waa weyn iyo kuwa yar yar oo ay lahaayeen Soomaalida, iyadoo dhinaca kale boob ceynkaasi ah loo geystay Qoxootiyada kale sida Ethiopian,Bangaladesh,iyo Pakistan waxaana cagta mariyay dad ka careysan Duqa magaalada Pretoria oo loo magacaabay gabar kasoo jeeda Gobolka Kwazulu Natal.

Axmed Ibrahim Xanshi oo ka mid ahaa dhalinyaradii dhaawaca halista ah kasoo gaaray, ayaa Radio Muqdisho u sheegay in looga tagay meyd ahaan,  balse markii dambe ay u soo gurmadeen Soomaali meelo fog fog ka timid.

“Waxaan dukaanka ku joognay afar dhalinyaro oo aan isla laheen xilli duhur ah inagoo dukaanka dhex joogno ayaa mar qura ina  soo gaaray dad badan oo xoomaya kadib ayay nagu bilaabeen dhagaxaan iyo ulo anigu markaa baa miyir iigu dambeysay” ayuu yiri dhibbane Axmed.

Saleyman Maclin Xuseen oo ka mid ahaa madaxda Jaaliyadda Somali Communty Board ee gurmadka u sameysay ayaa isna sheegay inay jiraan dad qoysas ah oo boob xoogan loo geystay oo hadda ku sugan Xaafadda Pretoria Weste ee Soomaalida u badantahay.

Ganacsatada Soomaalida ee sedexdii maalmood la soo dhaafay lagu boobay Tuulooyinka dhaca magaalada Pretoria ee K/Afrika ayaa qayaas ahaan waxay ku waayeen hanti gaaraysay dhowr malyan oo rand ka dalkaasi ah oo u dhigma boqol kun oo dollar.

DSCN0949

DSCN0944

DSCN0953

Comments are closed