|

SAWIRRO: Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Cusbitaal Cusub Oo Laga Hirgaliyay Deegaanka Balli-Mataan Ee Degmada Sallaxley

XAGLO

Hargeysa,6,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaa Maanta xadhiga laga jaray Cusbitaal laga hirgaliyay Deegaanka Balli-Mataan ee hoos taga degmada Salaxlay ee gobolka Maroodi-jeex.

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig ka jarista Cusbitaalkaasi oo ka dhacday Deegaanka balli-mataan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Xaglo-toosiye, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ay weheliyeen Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbigaasi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/laahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Duulista Somaliland Mudane Mudane Cumar Yare, Gudoomiyaha Guddida Sahan Barwaaqo Maxamuud Muuse Gooni, Madaxa Hay’adda NAHDAH ee Fulisay Dhismaha Cusbitaalka Sheekh Khadar Aw Xirsi.

Ugu horayn, waxaa Halkaasi ka hadlay Madaxa Hay’adda Nahda Sheekh Khadar Aw Xirsi waxaanu u mahad naqay Dhamaan Masuuliyiintii ka soo qeyb gashay Munaasibaddani, Waxaanu ka warramay ujeedooyinka ugu waawayn ee kallifay hindisaha dhismaha Cusbitaalkan, waxaanu sheegay in Deegaankan Ball-Mataan uu leeyahay Dugsi wayn oo boodhin ah oo ay wax ka bartaan boqolaal arday kuwaas oo had iyo jeer marka ay xanuun  la soo darso ay ku kallifi jirtay in looga soo gurmado Hargeysa.

Sidoo kale, Sheekh Khadar wuxuu sheegay in Cusbitaalkan ay ku soo tabarucday Gabadh u dhalatay Dalka Kuwait oo haatan xanuunsanaysaa , isagoo Alle uga baryay in uu Alle siiyo caafimaad gabadhaasi.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay talaabadan horumarka ah, isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay in bulshada laga dhiso baahiyaha aasasiga ah sida Caafimaadka iwm.

Waxaanu Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe halkaasi ka ballan qaaday Mushaharka Dhakhaatiirta Halkaasi ka hawlgalaysa.

Wasiirka Duulista Somaliland Mudane Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu bogaadinayo horumarka dhan walba leh ee ka hana qaaday Deegaankani.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dawladdu diyaar ula tahay Bulshada Deegaanka waxqabad, isla markaana ay ku garab istaagayso horumar kasta oo ay sameestaan Dadka Deegaankani  .

Ugu danbeyntii, waxaa soo gunaanaday Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Xaglo-toosiye waxaanu ugu horeyn caafimaad ilaahay u waydiiyay haweenayda Cusbitaalkan dhistay.

Wasiir Xaglo-Toosiye ayaa ku dheeraaday qiimaha ay leedahay in Bulshadu isku tashato oo ay wax qabsato, isagoo bulshada Deegaankaasina ku amaanay sida ay had iyo jeer ay wax u qabsadaan ee aanay isugu halleen Dawladda .

Wasiirka ayaa halkaasi ka ballan qaaday in Cusbitaalkani uu ka mid noqon doono Cusbitaallada hoos iman doona wasaaradda Caafimaadka, isla markaana dawada iyo shaqaalaha uu Cusbitaalkani ku hawl gali doono ay bixin doonaan .

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa xadhiga ka jaray Cusbitaalka laga hirgaliyay Deegaanka Balli-Mataan ee ay soo dhistay Haweenayda Reer Kuwait isla markaana ay Hay’adda NAHDA ay hirgalisay.

_MG_2423_MG_2425_MG_2428_MG_2438_MG_2441_MG_2444_MG_2450_MG_2471_MG_2481_MG_2483_MG_2485_MG_2490_MG_2503_MG_2508_MG_2523_MG_2537_MG_2556_MG_2561_MG_2572_MG_2576_MG_2577IMG_2365IMG_2375IMG_2379

Comments are closed