|

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaadhay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya

Dhadhaab,6,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa mar dhow soo gaadhay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee kuyaala dalka Kenya.

 Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku qaabilay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye, safiirka  Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xassan, wasiirka arimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo madax kale oo badan oo goor hore oo saaka ah tagay xeryahaasi Dhadhaab si ay madaxweynaha halkaasi ugu soo dhaweeyaan

Madaxweynaha ayaa ka bilaabay booqashadiisa xerada IFO 2 oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab halkaas oo uu kula kulmay madaxda qaxootiga xeryaha Dhadhaab.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale booqday Hillaac Primary School halkaas oo arday badan ay kusoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa halkaas khudbad ka jeediyay. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa arimo badan oo khuseeya qaxootiga uga hadlay khudbadiisa. ‘Qaxootiga si arxan darro ah meel la isagama tuuri doono balse hadii la celinaayo si nidaamsan ayaa loo celin doonaa’ Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidaa yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday isbitaal ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa kunool boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo kasoo cararay colaada Soomaaliya 25kii sano ee lasoo dhaafay.

Booqashada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo ah tiisii ugu horeysay ee uu kutago xeryaha Dhadhaab ayaa kusoo aadeysa ayadoo dhawaan Kenya ay sheegtay in kama dambeys ay xiri doonto xeryahaasi Dhadhaab dabayaaqada sanadkaan.

Waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu sidoo kale booqasho kutago caasimada Nairobi ee Kenya halkaas oo uu madaxda Kenya kala hadli doono arimaha qaxootiga Soomaalida.

201666636007909035432375from ifo b201666636007909344795980from ifo c201666636007983727095095Ione201666636007983992470736Itwo201666636007984203609791Ithree201666636007984414963865Ifour

Comments are closed