|

Shabaab oo sheegay in ay weerarayaan shirkadah shidaal baarida ka wada Puntland

Muqdisho Feb 29,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa maanta sheegtay in aaney waxba ka jirin heshiisyada ay wada galeen Soomaalida iyo shirkadaha Shidaal baarista ee Puntland laga wado.

Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerari doonaan goobaha shidaal baadhista laga wado ee Puntland.

Hanjabaadan ayaa ku soo beegmeysa ka dib kolkii dhawaan ay shirkado isbaheystay shaaciyeen in Puntland ka wadaan Shidaal baadhid iyo soo saaridba.

Sidoo kale Shabaabka ayaa baahiyay dhawaan in ay la midoobeen koox Puntland kula dagaalameysay in mudo ah degaanada shidaalka laga baarayo.

Shabaabka ayaa hanjaabooda ku baahiyay barta Internetka ee Twitter,waxaaney ku soo beegmeysa xili ay shabaabku ku jiraan cidhiidhi uga imanaya ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo ka saaray degaano badan oo konfurta ku yaal.

 

SDN-Muqdiaho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed