|

Shan Iyo Toban Ruux oo Ku Geeriyooday Iyo Tobaneeyo Ku dhaawacmay Duqaymo Xulufada Maraykanku ka Fuliyeen Deegaamo ku Yaal Dalka Suuriya

Raqada  24. May 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan shan iyo toban qof ayaa ku dhintey tobanaan qof oo kalena wey ku dhaawacmeen Duqayn dhinaca cirka ah oo Dayuuradaha xulafada mareykanku hogaaminiyo ee ka howlgala dalka Suuriya ay la beegsadeen tuulada kadiraan ee ku taala mandaqada  Raqada galbeed.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in tuulada al-mansuura ee ku taala duleedka tuuladda Kadiraan ay Dayuuradaha  Xulafadu duqeeyeen in ka badan toban jeer Duqeymahaasina ay u gaysteen Bara kac- iyo burbur xoogan.

 

Xoogagga Daacish ayaa iyana waxay  ay qarxiyeen  Biriijka arumaaniya ee ku yaala woqooyiga magaaladda Raqa si ay u joojiyaan ciidamadda Suuriya  inay halkaa ka soo gudbaan.

Comments are closed