|

Ciidamo Sheegta Kuwa Qaranka Liibiya oo Duqayn dhinaca Cirka ah Ku Qaaday Ciidamadda Taabasan Dawlada Caalamku aqoonsan yahay

Tripoli  24. May 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in ciidamada sheegta inay yihin kuwa qaranka oo tageera maamulka fadhigiisu yahay magaalada bariga ku taalla ee Tobruk ay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen ciidamada taabacsan dowladda caalamku aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

Toddobo weerar oo dhanka cirka ah ayaa lagu waramayaa in ay la bartilmaameedsadeen laba magaalo oo ku yaala Koonfurta dalka Liibiya habeennimadii Sabtidii, iyagoo aargoosi uga dhigaya weerar khamiistii lagu qaaday xero ay kooxdaasi leedahay.

 

Goobjoogayaal ayaa hay’adda xuquuqda adaamaha u dhaqdhaqaaqda ee Human Rights Watch u sheegay inay ugu yaraan 30 qof oo ku dhintay xeradaasi ay rasaasi madax kaga taalay, tiro ka mid ah dadkaa dhintayna ay hubaysnaayeen.

 

Weerarkan ayaa xad-gudub ku ah heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay wada gaadheen horantii bishan May ee aynu ku jiro.

Comments are closed