|

Shan Wasiir Oo Berbera Kulan Kula Qaatay 1600 Oo Ah Shaqaalaha Muruq Maalka Ah Ee Ku Shaqo Waayaya Heshiiska Dekedda

Hargeysa, 2,8,2016 (QJ/SDN) – Wasiiro ka tirsan xukuumada somaliland ayaa kulamo la qaatay dadka muruq maalka ah ee ka shaqeeya dekeda magaalada Berbera.

Wasiiradan oo kala  ahaa wasiirka madaxtooyada, wasiirka arimaha dibada, wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka shaqada iyo wasiirka maaliyada somaliland ayaa kulanka ay la qaateen shaqaalaha muruq maalka ah ee dekeda Berbera waxay kaga wada hadleen mustaqbalka ay shaqaalahaasi yeelan doonaan marka ay dekeda la wareegto shirkada DP World.

Wasiirka Qorshaynta qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe)  ayaa Geeska Afrika uga waramay socdaalka ay ku tageen magaalada Berbera iyo kulamadii ay la qaateen shaqaalaha muruq maalka ah ee Dekeda Berbera, waxaanu yidhi “Waxaanu tagnay Magaalada Berbera anaga oo ah wefti ka kooban shan wasiir oo kala ah wasiirka madaxtooyada, wasiirka arimaha dibada, wasiirka shaqada, wasiirka qorshaynta  iyo wasiirka maaliyada, laba shir ayaanu la  galnay shaqaalaha Dekeda Berbera, waxaana Dekeda ka shaqeeya afar qaybood oo kala ah dadka maraakiibta ka soo roga alaabta, laba qaybood oo ah nimanka la yidhaa Geelaha, shaqaale kuwa dawlada ah iyo kuwa ka shaqeeya xarumaha kastamada oo aan iyagu heshiiska ku jirin, shaqaalaha rasmiga ah ee Dekedana shirkada DP World ayaa toos ula  wareegaysa, waxa soo hadhay waa labada guruub ee Geelayaasha oo aanu la kulanay oo aanu dawlad ahaan u balan qaadnay maadaama oo dadkayagii yihiin, heshiiska Dekedana loo galay sidii shaqo abuur looga heli lahaa markaa waa inaanay ka iman shaqo lumis waayo dadkan warwarkooda ugu badani waxa uu ahaa marka ay shirkadu la wareegto Dekeda muxuu mustaqbalkayagu noqonayaa,haddii aanu nahay weftigii wasiirada ahaa waxaanu u balan qaadnay inaanay shaqadoodu meesha ka baxayn, wixii aan meel loo helina ay xuquuqdooda helayaan, shaqaalahaas tiradoodu  waa 1200 ilaa 1600”

Wasiir Cali Shoombe  ayaa ku dooday inaanay shaqaalaha muruq maalka ah ee Dekeda Berbera aanay waayeyn shaqadooda mudada la dhisayo Dekeda cusub waxaanu yidhi “ Marka uu heshiisku dhamaado waxa la bilaabayaa dhismaha dekedii cusbayd ee 400m ahayd, mudada uu socdo dhismaha dekeda cusub tii  hore wax laga qabanayaa ma jirto oo sideedii ayey u soconaysaa, Terminalka cusub ee la dhisayaana waxa uu noqonayaa Container Terminal(Meesha laga soo dajinayo Koontiidharada)  kii kalana waxa uu ahaanayaa General Cargo( Alaabaha ayaa ka soo dagaya)  intaas uu dhismuhu socdo oo ugu yaraan  dhawr sanadood noqonaysa sideedii ayey u shaqaynayaan oo lagama maarmayo waayo shirkadu ma taabanayso Terminalkii hore ilaa Deked cusub oo la dhiso oo markii horaba waanu diidnay.”

Wasiirka Cali Shoombe oo ka jawaabaya su,aal aanu ka waydiinay inay is afgarad gaadheen shaqaalaha ay maanta la shireen ayaa waxa uu ku jawaabay “Is afgarad guud ayaanu maanta wada gaadhnay oo waxaanu isla garanay inaanu wada hadalno waayo waa naloo kala waramayey  oo waxaanu noqonay reer guura raac iyo caruur waa loo kala waramaa ee isma yaqaanaan, dad dano gaar ah leh ama warxumo tashiil ah ayaa  dhexda war ka gaadhsiinayey, markaa waxaanu isla garanay inay guddi kooban iska soo saaraan dawladuna ay damaanad  qaado xuquuqdooda iyaguna ay tabashadooda qoraal noogu  soo gudbiyaan, dawladuna ay jawaab ka siiso.”

Comments are closed