|

Sheekh Aadan-Siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Heshiiska Saldhigga Milletari Ee Baarlamaanku Ansixiyey DAAWO

Hargaysa 18. February 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa si adag uga hadlay Go’aankii labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ku ansixiyeen Heshiiska uu Imaaraadku Saldhigga Ciidan kaga dhisanayo Magaalada Berbera.

Sheekh Aadan-Siiro, ayaa eedeeyay Qaabka ay Xukuumaddu u martay in Baarlamaanku ansixiyo Heshiiskaasi, waxaanu sheegay in 144-kii Xildhibaan ee u codeeyay ansixinta Heshiiska Saldhiggu ay dhammaantood qaateen Lacag Caddaan ah, laakiin aanay eegin Masiirka Dadka iyo Dalkaba.

Comments are closed