|

Sheekh Aadan Sunne Oo Todobaadkii Labaad Ku Jira Xabsiga iyo Sababta Xadhigiisa Oo Aan illaa hadda la ogayn

sheekh sunne

Hargeysa, 13,5,2016 (QJ/SDN) – Ku dhawaad dhawr iyo toban maalmood ayaa waxa xabsi kuyaalla magaalada Hargeysa ku  jira sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sunne) oo ka mid ah culimada Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaan si faahfaahsan uga hadal waxyaabaha uu ku xidhan yahay ama ay ku soo qabteen Sheekh Aadan Sunne oo ay khudbadihiisa ku xidhan yihiin dadweyne aad u tiro badani.

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame ayaa ka mid ah culimada inta badan khudbadaha ay jeedinayaan ku soo qaata waxyaabaha ka dhex jira bulshada, kuwaas oo aan jeclayn arrimaha siyaasadda iyo hoggaaminta aan cadaalad ku dhisnayn.

Haddaba, sheekh Aadan Waxa uu u xidhan yahay waxyaabo aan cadayn, waxaana marag ma doon ah in uu sheekhu jiidhay seero u oodan xukuumada Talada Haysa oo ay markaas indhaha bulshada ka leexisay.

Dhinaca kale,  maalmo uun  ka hor waxa magaaladda Hargeysa si diiran loogu soo dhaweeyay Suxufi Anderson Cooper oo ka hawl gala telefishanka CNN.

Ha joogto in uu yahay suxufi, hasayeeshee waxa uu isu bedelay haweenay, waxaanu la nool yahay ama uu oori u yahay nin kale, isagoona si wayn u faafiya guurka  Liwaadka ama ”Gay Marriage”.

Suxufigan oo ay wasaarada warfaafinta somaliland Hadhimo sharafeed ugu samaysay Hargeysa waxa ay sheegeen in uu qadiyada iyo qaranimada somaliland shaan-shaan ka ridayo, maalmo ka dibna waxa uu booqday xarunta madaxtooyada halkaas oo ay isku gacan qaadeen madaxweynaha Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay ee Sheekh Aadan Sunne xabsiga loo taxaabo, balse waxa jirtay in mar hore sidan oo kale loo xidhay sheekha, wallow aan isla wakhtigaasna la helin sababta rasmiga ah ee lagu xidhay sheekha.

Comments are closed