|

Imaaraadka oo xayiraad safar dul dhigay RW India kadib markii uu Soomaalida bahdilay

uae

Dubai, 13,5,2016 (QJ/SDN) – Raysal Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa ku tilmaamay Gobolka Kerala inuu ka liito dalka Soomaaliya marka ay timaado dhimashada caruurta yar yar hadalkaas oo ka caraysiiyey dadweynaha Gobolkaas oo iyagu muujiyey sida ay uga xunyihiin in la barbar dhigo dalka dagaalada sukeeye la degeen ee Geeska Afrika.

Cadhada ka dhalatay hadalka Mr. Modi kuma ekaan oo keliya gudaha wadankaas ee waxay gaadhay wadanka Isutaga Imaaradka Carabta oo isagu qaadan waayey sida foosha xun ee Raysal Wasaaruhu u adeegsadey magaca Soomaaliya oo ah dal Carbeed.

Raysal Wasaaraha Imaaraadka Carabta Sh. Maxamed Bin. Raashid oo la hadlayey warbaahinta ayaa ayaan daro ku tilmaamay hadalka dhigiisa dalka Hindiya isagoo ka dalbaday inuu ka bixiyo raali gelin.

” Waxaan ku soo rognay RW Modi xayiraad dhinaca safarka ah mana soo geli doono dalkayaga ilaa uu raali gelin buuxda ka bixiyo hadalkiisii” Ayuu yidhi Sh. Maxamed bin Raashid.

Wuxuu ku goodiyey in xayiraada dhinaca safarka ah ee Imaaradka Carabtu ku soo rogay RW Modi aysan ku koobnaan doonin iyaga oo keliya balse mar dhow dalalka gacanka Khaliijka sida Sucuudiga, Qadar, Kuweyt iyo Cumaan ay soo saari doonaan go’aamo la mid ah taasina ay qiime sare ugu kici doonto Dalka Hindiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Hindiya ayaa lagu wadaa inay u dirto magaalada Dubai  Xildhibaan Suresh Gopi oo isagu ka tirsan aqalka sare ee dalkaas isla markaana laga soo doorto Gobolka Kerala talaabadaas oo lagu doonayo in si caadi ah loogu soo celiyo xidhiidhkii labada dal.

Imaaraadka Carabta ayaa kaalinta 3-aad kaga jira dalalka Hindiya u dhoofiso badeecadaheeda sidoo kale kaalinta 4-aad ayuu kaga jiraa wadamada ay kala soo degaan waxyaabaha ay dibadaha uga baahdaan.

in ka badan 2 Milyan oo Hindi ah ayaa ka xoogsada dalka Imaaraadka iyagoo lacago adag dalkoodii dib ugu celiya, Taas oo ka dhigan in Dalka Hindiya aanu sinaba uga maarmi karin Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada kale ee Dalka ka jira ayaan wax dareen ah ka muujin hadalkaas qadafka ah ee ka soo yeedhay Raysal Wasaare Narendra Modi.

Comments are closed