|

Shirarka Gudiyada Fulinta Kulmiye iyo Waddani oo Hargeysa ka dhacay maanta

Hargeysa. 26 November, 2022. (QJ)- Shirar kala duwan oo ah kuwa guddia fulinta ayaa maanta magaalada Hargeysa uga qabsoomay xisbiyada Kulmiye iyo sidoo kale Waddani iyada oo hogaanka xisbiyadu ay shireen.

labada shir ayaa ka kala dhacya xarunta madaxtooyada iyo xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ee xaafadda New Hargeysa, waxaana lagaga dooday arimo kala duwan oo is tagaya marka si kale loo eego.

Tusaale ahaan dhanka Kulmiye waxa ay xogaha nasoo agadhayaa sheegayaan in lagaga hadlay shirka la qorsheeyay in bisha December uu dhaco ee Kulmiye iyo sidoo kale sidii xisbiyada mucaaradka meesha looga saari lahaa. Afkaaro kala duwan aya ala is dhaafsaday iyadoo ay jiraan masuuliyiin arimaha qaar saluugsan balse waxa ay ka midaysan yihiin in xisbiayda imika jira meesha laga saaro.

Dhanka mcuaaradka, xogaha ay ehshay warbaahinta Qurbejoog waxay tilmamaayaan in si adag looga dooday marxaladda dalku ku jiro iyo waxa ay yeelayaan mcuaaradku maadaama imika aan weli war laga hayn dhanka Beesha Caalama. Hogaanka xisbiga ayaa gudida fulitna uga war bixiyay kulmada ay bulshada lasoo qaateen iyo wararka ay is hdaafsadeen Beesha Caalamka.

Muranka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan ayaa cid waliba ay cabsi xoogan ka qabtaa iyadoo weli Muuse Biixi aanu uujin wax tanaasul ah.d

Comments are closed