|

Shirka Waddani: ‘Hoggaamiye, Guddoomiye, Murrashax, Doorashada Ina Jirde, Fiiradda Kulmiye Iyo Fooridda Khamaarka Siyaasadeed Ee Cirro

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Inkastoo jararraaca iyo aargoosiga loollanka Siyaasaddu yahay mid filashadiisa leh, haddana reer Waddani waxay ku jireen bishan maalmo farxad iyo faan ay ugu dabbaal-degayaan dhalashada wejiga cusub ee ay yeesheen. Waxay ku jiraan maalmo ay isbeejinayaan oo ay ku qanacsan yihiin cududdooda, geesta kalena ay la tacaalayaan yaraynta khasaaraha siyaasadeed ee marxaladdan caadada u ah.

Xirsi Iyo JirdeBakhaanbakha iyo damaashaadka Waddani oo maalmahanba haystay warbaahinta waxa ka sii qoyan shirka golaha dhexe ee xisbigaa oo ka furmay Huteelka Maansoor 19kii bishan Okt, kaasoo khatimaadiisa oo maanta ku beegan ay si wayn isha ugu hayaan, xisbiyada kale ee ay sida wayn u hirdamayaan.

Guddoomiye Cirro wuxuu heshiis la galay Kooxdii hore loogu yeedhi jiray Isbahaysiga Kulmiye ee ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee Xisbigaa ee Murrashixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka loogu doortay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici. Heshiiska kooxdan iyo Cirro kala saxeexdeen wuxuu abuuray xil cusub oo la yidhaahdo; ‘Hoggaamiyaha Xisbiga’ kaasoo la siiyay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xukuumadda Kulmiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ahaa Wasiirkii ugu awoodda badnaa Maamulka ka hor intaanay Isaga iyo Saaxiibbadii Baarashuudka ka goosan ee aanu dhicin khilaafkii laysku seegay ee Muuse Biixi Murrashaxa ka dhigay, Iyagana dibedda u saaray.

Hogaanka WaddaniKooxdan oo ay hormood u yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi oo heshiiska u saxeexay iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxay ahaayeen sannad ku dhawaad cudud bannaan-joog ah ka hor intaanay ku biirin Waddani, isla markaana waxay dad badani u arkaan, laftooduna isu arkaan awood midaysan oo leh saamayn wayn oo siyaasadeed oo cidday isgarabsadaan u horseedi karta guul.

Mid kale, dadka dhexdhexaadka ah ee Siyaasadda falanqeeyaa, waxay rumaysan in kooxdani yihiin, qaar adeegsanaya awood mintid ah oo hungada neceb, si ay taa uga baaqsadaanna ay horkacayaan dagaal niyad ah oo Xisbigooda cusubi la galo Axsaabta kale, gaar ahaan Kulmiye oo u muuqda lidka ugu wayn ee ay is hayaan. Aragtidaa baanaheeduna kama madhnayn khudbadihii ay laftoodu ka jeediyeen madashii isku biirista ee heshiiska lagu kala saxeexday iyo furitaankii shirka golaha dhexe ee Waddani. Laakiin, markhaatigeedu wuxuu ku xidhan yahay timaaddada dhaw iyo sida wax u dhacaan.

Geesta kale, waxa Xisbiga Waddani ku biiray oo uu munaasibad wayn ku qaabbilay cudud Siyaasadeed oo ka soo jeedda deegaanka Bariga iyo Koonfurta Hargeysa, taasoo ay hormood u ahaayeen Ismaaciil Buubaa, Wasiirkii Qorshaynta ee Xukuumaddii UDUB Cali-Sanyare, Wasiirkii Beeraha ee isla Xukuumaddaa Aadan Dhoollayare, Maxamed Baaruud oo xilal ka soo qabtay Xukuumadihii Cigaal iyo Xubno kale. Madashii xigtayna  wuxuu Xisbigaasi ku qaabbilay Axaddii todobaadkii hore miisaan siyaasadeed oo ka soo jeeda deegaanka Axmed Dhagax iyo gobolka Hawd oo uu Guddoomiye Cirro sheegay inuu uga kacay jagadda Guddoomiyaha Xisbiga.

Had iyo jeer Saadaasha daymadeeda lama wada helo, dhugashadeeduna waa qof iyo aragtidii, hase-ahaatee, taa ka sokow waxa loo arkaa in Guddoomiye Cirro ciyaaray khamaar siyaasadeed oo aan laga filayn markii hore, isla markaana ciyaartiisan cusubi ay wax ka beddelayso loollanka siyaasadeed ee Axsaabta.  Wuxuu qaybiyay awooddii, wuxuu dhulka dhigay yeekihii, isla markaana waxa la abuuray iskaashi eray bixin cusub loogu wanqalay oo ka kooban Guddoomiye, Hoggaamiye iyo Murrashax, kuwaasoo Axdiyada ay wada galeen ku wadaagaya wada lahaanshaha  talada iyo Xisbiga. Sidaa awgeed, burji ahaan  iskaashigani waa mid muuqaal ahaan cad, ficil ahaanna filashada waxtarkiisa la dhawrayo, waloow oo reer Waddani  durba ay isa siiyeen una arkaan guul dhammays ah oo aan caad saarnayn.

Dhanka kale, imaatinkii awoodahan ku biiray Waddani, waxa la filayay inay ka didaan xubno badan oo muhiim ah oo hore uga tirsanaa Xisbiga, kuwaasoo loo arkayay inay qardoofo siyaasadeed hore u kala gaadheen Isbahaysiga, gaar ahaan Xirsi Cali Xaaji Xasan. Hase yeeshee, taasi waxay u eg-tahay mid aan u rumoobin sidii la saadaalinayay, illaa haddana shakhsiyaad mooyee looma jeedo iswaydaar miisaankiisa leh, balse waxa si wayn isha loogu hayaa shirka golaha dhexe ee maanta oo loollan adag oo doorasho hadheeyay. Sida la filayo waxa shirka maanta lagu dooranayaa Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaas oo uu u taagan yahay Cabdiraxmaan-Cirro iyo Murrashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka. Muran badani kama taagna doorashada Cabdiraxmaan-Cirro oo ma jiro Murrashax kale oo kula tartamayaa, laakiin jagada Murrashaxa Madaxweyne Xigeenka waxa ku tartamaya laba Murrashax oo kaambaynkooda si wayn looga dareemay Hargeysa iyo golaha dhexdiisaba.

Labada Murrashax oo kala ah, Axmed Muumin Seed oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Waddani iyo Dr. Maxamed Cali, labadooduba waxay ka soo jeedaan gobolka Awdal, isla markaana tartankoodu wuxuu ka mid yahay meelaha uu Xisbiga Kulmiye isha ku hayo, sedkana ka filayo, haddii aanu Waddani ku guulaysan in uu isku hayo doorashada kadib.

Tartanka ka hor waxa soo duushay in Axmed Muumin Seed ka tanaasulay tartanka, ugana hadhay Murrashaxa kale, taasina ay ka dambaysay heshiis dhex maray Guddoomiye Cirro iyo ku-xigeenkiisa mar ay wadahadal amuurtaa la xidhiidha ku yeesheen Addis Ababa. Hase ahaatee, warkaasi ma sii waarin, waxaanu Axmed Muumin Seed sheegay in aanu tanaasulin, isla markaana wuxuu shubay lacag shuruud ah oo ku xidhan Murrashixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka, taasoo caddadkeeda lagu sheegay 100 Kun oo Doollar oo Murrashaxa Madaxweynaha ah iyo 50 Kun oo Doollar oo Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ah. Wadahadalkaa hore kadib tallaabadan Axmed Muumin Seed dadka dhalliilsani waxay tilmaamaan, in Kulmiye iyo Xukuumaddu qayb ka yihiin ololihiisa oo ay taageerayaan, isla markaana bixiyeen maaliyadda loo isticmaalay, balse taa waxa deedafeeyay Axmed Muumin Seed iyo taageerayaashiisa oo ku macneeyay wax aan jirin. Hase-yeeshee, marxaladdan oo kale waa dabeecad iyo dhaqan siyaasaddu leedahay, dhinacyada loolamayaana waa daruuri in dhinacba dhinaca kale uga muraadsado si kasta oo uu uga fushan karo danihiisa.

Doorashada Murrashixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ka sokow, waxa hadal hayntiisu maalmahanba taagnayd jagadda Guddoomiyaha Xisbiga oo uu Cabdiraxmaan-Cirro sheegay inuu ku wareejinayo dadka deegaanka Axmed Dhagax iyo gobolka Hawd, kuwaasoo iyana u caleemo-saaray Siyaasiga Cabdiqaadir Jirde. Xoghayaha guud ee Xisbigaa Maxamed Uurcadde wuxuu furitaankii shirka golaha dhexe ka sheegay, in heshiiska la kala saxeexday dhigayo in jagada Guddoomiyaha lagu wareejinayo Cabdiqaadir Jirde 45 cisho kadib doorashada Madaxtooyada, isla markaana aanay wareejintu dhacaynin doorashada ka hor, hase ahaatee Xafladdii furitaanka shirkaas ee uu Xoghayuhu warkaa ka sheegay laftiisa, waxa soo xidhay Cabdiqaadir Jirde oo loogu yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga, Isaguna wuxuu halkaa ka jeediyay khudbad loo dhadhansaday tii ololaha doorashadiisa.

Geesta kale, wararkii u dambeeyay ee arrimahaa la xidhiidha oo uu Wargeyska Ogaal ka soo xigtay Xubno isla Xisbigaas ka tirsan, ayaa iyana sheegay in golaha dhexe maanta Cabdiqaadir Jirde u dooran doono Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga, shirwaynaha guud ee Xisbiga ee u horreeyana uu noqon doono Guddoomiyaha rasmiga ah, sababtoo ah sharciyan shirweynaha guud ayaa ah ka doorta Hoggaanka Xisbiga sida; Guddoomiyaha, Ku-xigeenadda, Xoghayaha guud iyo Guddiga Fulinta.

Haddaba, haddii ay runtu sidaa noqoto  oo Cabdiqaadir Jirde golaha dhexe ay maanta ku wareejiyaan jagada Guddoomiyaha, waxay taasi noqonaysaa taariikhda siyaasadda Somaliland markii u horraysay ee Guddoomiye Xisbi oo Murrashax ah oo tartan gelayaa uu jagadaa wareejiyo doorashada ka hor, isla markaana waa khamaar saamaynaya Xisbiyada kale iyo Xisbiga sameeyay-ba. Dadka siyaasadda falanqeeya ee mawduucan ka hadlayna waxay rumaysan yihiin, haddii Cabdiraxmaan-Cirro sidaa ku guulaysto oo uu Madaxweyne noqdo in Xisbigu badbaadayo, balse hadduu guul-darraysto uu wajihi karo duruufo wax ka beddeli kara muuqaalkiisa waqtigan.

Comments are closed