|

Quwadaha Dalalka Adduunka Ee Haysta Gujiska Mikatari Ee Ugu Tiro Badan, Iyo Dalalka Islaamka Kuwa Haysta Gujiska Ugu Badan!

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Sida uu Toddobaadkan Baahiyey wargeyska wax ka qora quwadaha hubka ee adduunka ee loo yaqaano Global Fire Power, Dalka Maraykanka ayaa loo aqoonsaday kan ugu badan ee haysta Tirada Gujiska casriga ah ee ay isticmaalaan ciimada baddu halka dalka Turkigu ka noqday ka ugu badan ee haysta Gujiska dalalka Islaamka.

gu-300x200Gujiska biyaha badda hoos mara ee milatarigu isticmaalaa waxa uu ka mid yahay hubka dhinaca badda loo adeegsado ee ugu muhiimsan wakhtiyada dagaalada, hawlaha basaasnimo ama xogta la xidhiidha istaraatiijiyadda dhinaca badaha iyada oo nus qarnigii ugu dambeeyey quwadaha adduunku soo saareen Gujisyo casri ah oo halis badan.

Waxa aan qormadan kooban ku eegi doonaa sida ay dalalka adduunku ugu kala horreeyaan dhinaca isticmaalka Gujiska, tirada adeegsadaan ciidamadooda baddu iyo hannaanka ay u adeegsadaan ee casriga ah. Waddanka Maraykanka ayaa la sheegaa in u yahay kan adduunka ugu badan ee haysta tirade ugu badan Gujiska gaar ahaan kuwa casriga ah isaga oo la sheego in uu haysto in ka badan 75 xabbo oo aad u waaweyn halka waddanka Woqooyiga Kuuriya ka yahay kan kaalinta labaad ku jira oo aan waxba ka hoosayn Maraykanka oo haysta in ka badan 70 Gujis.

Dalalka Shiinaha iyo Ruushka oo inta badan tartan dhinaca awoodda iyo hubka ahi u dhaxeeyo Maraykanka ayaa ku kala jira kaalmaha 3aad iyo 4aad iyada oo Shiinuhu haysto in ka badan 68 Gujis halka Ruushku haysto 60 Gujis.

8-da Waddan Ee Ugu Isticmaalka Badan Gujiska Biyaha Quusa Iyo Tirada Gujsiyada Casriga Ah Ee Uu Hasto.

  1. Maraykanka – 75 Gujis
  2. Woqooyiga Kuuriya – 70 Gujis
  3. Shiinaha – 68 Gujis
  4. Ruushka – 60 Gujis

Dhinaca Dalalka Bariga Dhexe ama Islaamka waxa ugu horreeya:

  1. Iiraan – 33 Gujis
  2. Turkiga – 13 Gujis
  3. Masar – 8 Gujis
  4. Israel – 6 Gujis

Comments are closed