|

Shirkii Koobaad Ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI Oo Hadda Si Rasmi Ah U Furmay Hargeysa + Sawirro

Hargaysa 19.October 2016 (SDN/QJ):- Shir weynihii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI ayaa si si rasmi ah uga furmay huteelka maan-soor ee magaalada Hargeysa,waxaanay madasha ka soo xaadiray masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga WADDANI oo uu horkacayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan  Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo dhammaanba ergooyinka kala duwan  ee ka qayb-gelaya shirkaasi.

 

Shirkan oo ah koobaad ee golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI a uu hadda furmay ayaa waxa si rasmi ah shirkaasi u furay Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI  Cismaan Afgaab Kaluun, si rasmi ah u hoolka shirka uu ka socdo soo buux-dhaafiyey ergooninka kala duwa

Dhanka kalne shinka ayaa waxa lagu soo casuumay marti sharaf kala duwan,kuwaas oo ay ka mid ahayeen madax ka socotay Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE iyo masuuliyiin ka socotay Xisbiga mucaaradka ah ee UCID , xubno ka socday  komishanka doorashooyinka qaranka, salaadiin cuqaal, iyo  xubno  kale oo ka socday ururada kala duwan ee bushada, qurba-joog iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Sidoo kalen waxa munaasabadan ka soo qayb-galay war-baahinta kala duwan ee  ka hawgasha dalka gudihiisa iyo debadiisa,waxaana kamid aha ilaacadaha Bbc-da iyo VOA-da ,waxaana xusid mudan in ay Tv-yada si Toos ah u tebinayeen muuqaalka shirka,iyadoo aanay meesha.

108a4008 108a4011 108a4012 108a4014 108a4022 108a4031 108a4034 108a4048 108a4064 108a4070 108a4071 108a4072 108a4076 108a4080 108a4085 108a4087 108a4088 108a4091 108a4094 108a4096 108a4103 108a4106 108a4108

Comments are closed