|

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Shir Duceedyo La Yeeshay Madax dhaqameed Hargaysa ka Soo Jeeda & Badheedhihiisa Ku Aadan Inuu Mar Kale Murashax Yahay DAAWO

Hargaysa 19.October 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Hotel Ambasador ee Magaalada Hargaysa ka qabsoomay kulan qado sharaf ah oo dhex maray Madax Dhaqameedka iyo Odayaasha Deegaanka Koonfurta, Bariga Iyo Badhtamaha Hargaysa Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .
faysal-iyo-odayaalWaxaana kulankan lagu naaqishay xaaladda siyaasadeed ee dalku haatan ku suganyahay, iyo sidii door muuqda looga ciyaari lahaa, Waxaanay madax dhaqameedkani ay taageero buuxda u muujiyeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, iyagoo ku taageeray hankiisa Murashaxnimo marka la gaaadho Shirka Golaha Dhexe, oo lagu soo dooran doono Murashaxa Madaxweyne Iyo Ku Xigeen Ee Xisbigaasi uga qeyb gali doonaa Doorashada soo socota .
Sidoo kale qaar ka mid Madax Dhaqameedkan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay sida Gudoomiye Faysal Maanta ugu haboon in uu qabto Talada Dalka, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay Siyaasi ka miisaan badan oo ka aragti dheer Labada Siyaasi ee damacu kaga jiro Talada Dalka ee Muuse Biixi Iyo C/raxman Cirro .
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Hadalo kooban halkaasi ka idhi, ayaa Madax Dhaqameedka ugu Bushaareeyay in is beddel iman doono, isla markaana Xisbiga dib u habayn balaadhan lagu sameen doono .
Kulankan qado sharafta ah ayaa u muuqday mid wax badan lagu lafo guray, iyadoo ugu danbeentiina la isla meel dhigay in Xisbiga Iyo Murashaxnimada Gudoomiye Faysal Cali Waraabe lala garab istaago Taageero mug leh .

Comments are closed