|

‘’Sicir Bararku Waa Aafo la Bilaabantay Xukuumadan,Waana Aafo ay Inagaga Tegayso’’ Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, ayaa hadlay sicir bararku heerka uu ka marayo Somaliland, waxaanu sheegay in Masuuliyadda Sicir bararka ay sabab u tahay Xukuumadda, waxaanu tilmaamay qiimo dhaca ku yimid shilinka Somaliland inay sabab u tahay Xukuumaddu.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay inay bixiso lacagta baaqiga ah ee kaga hadhsan Doorashada, si aanay carqaladi ugu iman Doorashada, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka taagan khaliijka iyo taageerada Xukuumadda Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Sicir bararku maaha mid loo taag waayey, la iskuma dayin in wax laga qabto,  ee Xukuumadda ayaa ka masuul ah, oo waliba iyada ayaa abuuraysa, Xukuumaddu waxay soo daabacda lacagta Somaliland oo aan xisaab lahayn, in qiimihii shilinka Somaliland qiimo dhaco waxa sabab u ah Xukuumadda, Sicir bararku waa aafo la bilaabatay Xukuumaddan, waana aafo ay inagaga tagayso, ilaa haddana qorshe cad oo ay ka leedahay Xukuumaddu sicir bararka ma jiro, ee ILLAAHAY ayeynu weydiisanaynaa in wax walba inoo sixiro, laakiin dhibaato Sicir bararku faraha ayey ka baxday, iskumanay  dayin in ilaa hadda wax ka qabato Sicir bararka, waxayaabaha ay kaga jawaabayso marka lala hadlo ee la yidhaahdo maxaad wax uga qaban weyday sicir bararka jawaabo maquul ah kagama jawaabto, kolay iyadoo dadkii ay abaaro ku dhaceen buu sicir bararna ugu darsamay, markaas shacabkii reer Somaliland meel aad khatar u ah ayuu saaran yahay.”

 

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Sidaynu ogeyn Kaadh qaadashadii Gobolada Awdal iyo Saaxil, waxaynu ku arkaynay in carqado ka muuqdeen, markaas maanta waxaynu Xukuumadda ka codsanaynaa in kaadh qaadashada Gobolada kale oo ay ugu soo horeeyaan Gobolada Togdheer iyo Maroodi-jeex in aanay carqaladayn oo aanay tashuush ku furin si aanay Doorashadu dib inooga dhicin, arinta Doorashadana waxaan leeyahay Xukuumadda lacagta baaqiga ah ee ku hadhsan inay bixiso, oo ay Komishanka u dhamaystiraan lacagta”.

 

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey khilaafka khaliijka ayaa yidhi “Khaliijka Carabtu dad ama wadamo la kala raaco maaha, waxaana wanaagsan in Siyaasada si fiican loo odorso, kolay qaranku maslaxadu buu leehahay, laakiin taageerada ay Xukuumaddu bixisay,ee ay siisay isbahaysiga uu Sucuudigu hogaaminayo,  kama muuqato maslaxada Somaliland, waxaan odhan karaa waa taageero dano gaar ah laga leeyahay, oo dan caama ah laga lahayn, inagoo og in aanay marnaba Wadamada Khaliijku in aanay gooni isutaaga Somaliland aanay ogolayn waxay ahayd inaynu goosano inay ina siiyaan taageero mug iyo misaan leh, oo muuqata, oo Somaliland-nimadeena ay meel cad iska taagan, laakiin taas Xukuumaddu kumay hogaamin ee taageero caadiya ayey iska bixisay, kolay Wadamadu marna wey isku dhacaan marna wey heshiiyaan, Xisbi ahaan sida uu hogaanka Xisbigu ka hadlayba, anagu mawqifka Xisbigu ka taagan yahay, gaar ahaan mawqifka uu Guddoomiye Cabdiqaadir uu bixiyey ayaanu  ka taagan nahay,  Xukuumadda Somaliland mawqif wey ka qaadatay khilaafka Khaliijka, laakiin waxay qaadatay mawqif aan lahayn wax bedel ah”.

Comments are closed