|

Khilaaf ka taagnaa Ceelasha Biyaha Botor ee Gabiley ka Cabto oo Xal laga Gaadhay & Maamulka oo ka hadlay DAAWO

Gebiley 23. June 2017 (SDN/QJ):-Khilaaf ka taagnaa Ceelasha Biyaha Botor oo ah Ceelasha ay Gabiley Biyuhu uga yimaaddaan, Khilaafkaas oo u dhexeeyey Maamulka Dawladda ee gobolkaas iyo Dad Shacab ah oo Deegaanka deggan oo qaarkood Shaqaale ka ahaayeen Ceelashaas, ayaa la soo afjaray.

Masuuliyiin Dawladda ka tirsan oo Maayerka degmada Gabiley ka mid yahay, Taliska qaybta Booliska gobolka Gabiley, Xildhibaanno golaha degaanka Gabiley ka mid ah, Salaaddiin, Cuqaal iyo Odayaasha Dhaqanka ee deegaankaas oo si laba dhinac ah uga hawlgalay, ayaa ka hadlay qaabka loo soo afjaray khilaafkaas, iyaga oo sheegay in Maamulka Ceelashaas si rasmi ah loogu wareejiyey Xukuumadda.

 

Haddaba, waxaannu Xubnaha Shacabka, Odayaasha Dhaqanka iyo Masuuliyiinta dawladda oo arrimahaas ka hadlaya, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed