|

Sida ay Maanta u Dhacday Munaasibadii Dhaarinta Iyo Xil wareejinta Madaxweynaha Cusub & Muuqaalo Dareen watay SAWIRO

Hargaysa 13. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Waxa uu si rasmi ah Xilkii Iyo Hogaamintii Qaranka Ugala Wareegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Dhacdada taariikhiga ah ee ku lamaanayd Munaasibadda Xil Wareejinta iyo Dhaarinta Madaxweynaha Cusub ayaa ah in Markii Kowaad ay Madal isugu Yimaadeen Sadex Madaxweyne oo talada dalka isaga danbeeyay Kuwaas oo kala ah Madaxweynihii Sadexaad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin,Madaxweynihii afaraad ee Somaliland ahna Madaxweynaha Xilka banaynaya Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynaha shanaad ee Somaliland ee Maanta la dhaarin doono Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Waxaa Munaasibadda Boqran ee Saaka ka qayb galay afartii Madaxweyne ku xigeen ee Somaliland mudadii ay Jirtay ay Yeelatay oo kala ah Mudane Xasan Ciise Jaamac,Mudane C.raxmaan Aw Cali Faarax,Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Madaxweyne ku xigeenkii Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo mar labaad ku guulaystay Doorashadii Jagada Madaxweyne ku xigeen ee Somaliland.

Geesta kale Munaasibadda Dhaarinta iyo Xil la wareegista Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo ka qabsoontay barxad aad looga shaqeeyay oo ku dhex taal qasriga Madaxtooyadda ayaa waxaa ka qayb galay in ka badan Kun iyo Shan boqol oo Marti ah oo markhaati ka noqday Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha 5aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Kuwaas oo ah Wufuud ka kala socda Dalalka Jabuuti,Itoobiya, Kenya, ergo ka socota dalalka Midowga Yurub iyo Maraykanka,Warbaahin Caalami ah iyo Kuwa Maxaliga ah ee Somaliland.

Comments are closed