|

”Waxaan Diyaar U Ahay Haddana Aan Wadaa In Wax Allaale Iyo Wixii Xanaf Ka Dhashay Doorashadii Madaxtooyada In Aan Bogsiiyo Oo Weliba Aan Diyaar U Ahay In Aniga La Igu Jiifsado Iyo Xisbiga KULMIYE”Madaxweynaha Cusub ee Somaliland AKHRI/DAAWO

Hargaysa 13. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta ka Hadlayay Munaasibad Loo sameeyay Dhaarintiisa Iyo Xil la wareegista hogaaminta qaranka ayaa ka hadlay Qodobo door ah oo saamayn ku leh Nolosha Shacabka Somaliland.

Khudbada Madaxweynaha Cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa u Dhignayd Sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Golaha Wasiiradda

Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida

Guddida Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha xisbiga UCID

Ciidammada Kala duwan ee JSL

Marti sharafta ka kala socda:

Dalka Ethiopi,

Dalka Djibouti

Dalka Kenya

Safiirka Boqortooyadda Ingiriiska

Safiirka Midowga Yurub (EU)

Safiirka Sweden

Safiirka Holland

Masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah,

Madaxdhaqameedka nooga yimi dalalka Jabuuti iyo Itoobiya,

Dhammaantiin iga guddooma salaan cuddoon iyo xurmo aan duugoobayn.

Araar:

Maanta waxa aan taaganahay madashan bilan, aniga oo dareemaya culayska xilka iyo ammaanada Qaranka ee la ii dhaarinayo. Aniga oo xusuusan intii naftooda u hurtay, kuwii maalkooda u horay, intii agoomowday ama ku naafooday Qarannimadeenna ee halgankeedu ka soo bilowday Daraawiish, halgannadii ka dambeeyey ilaa kii SNM, waana taariikh dheer oo Somaliland leedahay.

Somaliland guulo ayey gaadhay 26–kii sanno ee tagay, dalkani wuxuu ka soo kabtay dagaalkii dib-u-xoraynta, waxa aynu bogsiinay qardoofooyinkii dhexdeena ka dhacay. Waxa innoo dhismay dal nabdoon, xasilloon oo dimuqraadi ah.

Arrintani waa ku dhif dalalka soo koraya. Waxa intaa dheer, Somaliland afar Madaxweyne oo hore ayaa si nabad ah xilka isugu wareejiyey, maantana waxa loo fadhiyaa xil-wareejintii shanaad ee Madaxweyne codka shacabka ku yimid. Waxay caddaynaysaa bisaylka siyaasadeed ee dalkeena, waxay marag u tahay dhawridda sharciga iyo dimuqraadiyadda ka hirgashay Somaliland. Libtaa iyo karaamadaa waxa keenay shacabka Somaliland ee bir-labta ah, cidi kama taageerin, dayna laguma siin, waxaan u sheegayaa caalamku in aanay dayn nagu lahayn waa kuwa halkaa fadhiyee oo aan Baanku Adduunku na caawin oo aan Baanka Afrika na caawin oo aan dawladaha Afrika iyo kuwa Muslimku na caawin ee ay ummadda Somaliland Ilaahay

Waxa aynu ku guulaysanay in aynu dhidibbada u adkayno amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, dawladnimo loo dhan yahay iyo dimuqraadiyad hana-qaaday.

Maanta dalalkii Soomaaliyeed qaybtii Jabuuti, qaybtii Itoobiya, qaybtii Kenya, qaybtii Somaliland, waxa innaga dhiman qaybtii Koonfur (Muqdisho) oo ay ahayd iyagoo qaranka Somaliland ictiraafsan inay ka soo qaybgalaan xafladdan, anigoo filaya inay dhawaan ka soo qaybgali doonaan oo aannu iskaashan doono annagoo dhaqan iyo afba wadaagna, laakiin ay arrintayadu suurtoobiwayday in aannu mid noqono duruufihii dhacay awgood oo nin waliba qarankiisii dib u dhistay, iyaguna waanu u ducaynaynaa inay dhibaatada ka baxaan, waxaannuna ka rajaynaynaa inay nagu hambalyeeyaan wixii horumar ah aannu gaadhno.

Halgannadii kala duwanaa ee xornimada, midnimada, nabadda iyo dhismaha qaranimada Somaliland aynu u soo galnay waatii aynu ku soo gabogabaynay shirarkii Burco iyo Boorama, guushii aynu ka gaadhnayna waataa maanta caalamka oo dhami inoogu yimi ee cid waliba innagu majeeranayso. Waxaan idiin ballanqaadayaa in aan anigoo taariikhdaa og idinku hoggaamiyo sidii ay innagu soo hoggaamiyeen madaxweynayaasheenii hore ee Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waddadii ay jeexeen qaranimada Somaliland, madaxbannaanideeda, nabaddeeda, dimuqraadiyadeeda iyo dhismaheeda ayaan hayn doonaa oo Insha Allaahu shan sanno kadib iyadoo sidaa u dhisan ciddii loo doorto ay qaban doontaa.

Dhibaatooyinka Horyaalla Dalkeena:

Walaalayaal, iyada oo intaa iyo in ka badani innoo qabsoomeen, haddana waxa jirta qabyo badan oo dalkeenu leeyahay. Qabyooyinka qarankeena waxa ka mid ah:

1. Shaqo la’aan

2. Saboolnimo

3. Sicir-barar

4. Riiqda abaaraha soo noq-noqday

5. Musuq-maasuq

6. Qabyaalad

7. Aqoonsi la’aan

Si Xal loogu helo dhibaatooyinkaa aan soo xusnay:

Walaalayaal dhibaatooyinka in horyaala waxaynu kaga bixi karnaa midnimo iyo wadashaqayn, maaha kuwo qof keliya wax ka qaban karo, balse haddii aan xuso waxaynu dhibaatooyinkaa xal ugu heli karnaa;

1. In Shillinka Somaliland noqdo lacagta rasmiga ah ee dhex wareegta suuqyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxna lagu kala iibsado.

2. Kor-u-qaadista wax-soo-saarka dalkeena ee dhinacyada:

v  Xoolaha

v  Beeraha

v  Kalluumaysiga

v  Xabkaha iyo Faleenka

3. Shaqo-abuurka

Dalkeenu waxa uu maanta leeyahay Dhallinyaro badan oo aqoon leh, balse intooda badan dhallinyaradda dalkeenu way shaqo la’yihiin.

v  Xukuumadda cusubi waxay dhiirrigalinaysaa maalgashiga, wax wada-yeelashada iyo midnimadda shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, si shaqo loogu abuuro dhallinyaradda dalkeena.

v  Xukuumadda cusubi waxa ay casriyeyn doontaa hay’adaha dawladda.

v  Xukuumadda cusubi waxay hirgelin doonaa nidaam hawl-gabka dadka waaweyn ee u soo shaqeeyey Qarankooda.

v  Dhallinyaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dhammaysata Jaamacaduhu waxay qaadan doonaan 6 bilood oo ah SHAQO QARAN, si ay u helaan waayo-aragnimo shaqo.

4. Kobcinta Dhaqaalaha:

v  Xukuumadda cusub waxa ay u abuuraysaa ganacsatada iyo shirkadaha jawi iyo siyaasado dhiirrigeliya maal-gashiga, iyada oo ballanqaadaysa in hantida ganacsatadu hesho ammaan buuxa.

5. La Dagaallanka Musuq-maasuqa:

v  Musuq-maasuqu waa AAFO QARAN oo mudan in aan Qaranimo iyo midnimo ku dabar-goyno.

v  Musuq-maasuqu waa xaaraan, ciddii ku kacda ama sahashaa waa DAMBIILE QARAN oo mudan ciqaab.

6. Xoojinta iyo Tayaynta Garsoorka:

–          Xoojinta iyo tayeynta Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka tahay sidii sharcigu u sarrayn lahaa, nidaamka dawladnimada waxa uu siinayaa kalsooni.

–          Xoojinta Garsoorku waxa ay kordhinaysaa la xisaabtanka iyo daba-galka hay’adaha dawladda.

Doorashadii Madaxtooyada iyo Xanafteedii:

Waxaan diyaar u ahay oo tallaabooyinkeedii u horreeyeyna aan qaaday oo haddana aan wadaa in wax allaale iyo wixii xanaf ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay in aan bogsiiyo oo weliba aan diyaar u ahay in aniga la igu jiifsado iyo xisbiga KULMIYE lagu jiifsado oo walaalahayaga waxtirsanaya aannu bogsiino, iyagana waxa laga rabaa walaalahayaga waxtirsanayaa inay garqaataan, wax baan kaa tirsanayaa kuuna soo fadhiisanmaayo innama kala qabato, dhaqana umaynu lahayn.

Mabaadi’da Xukuumadda Cusub:

1. Xukuumadda cusubi maaha meel xil la isku magacaabo oo dano gaar ah lagu fushanayo, xukuumadda aannu soo wadnaa noqomayso meel lagu badhaadho oo qofku ka taajiro.

2. Waxaan ballan idiinku qaadayaa qofka kasta oo aannu u soo magacaabo oo ka mid noqda golaha wasiirrada ama hay’adaha kale ee dawladda in hawsha loo dhiibay lagula xisaabtami doono waqti iyo maalba.

3. Waxaan idiin ballanqaadayaa inta qof bani’aadam ahi ku dadaalo in aannu ku shaqayno sinnaan iyo caddaalad oo xukuumadda aan soo dhisi doonaa ay dhex u noqoto Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, masuulka xil ka hayaana waa masuul Qaran, maaha inuu u adeegayo cid ama koox gaar ah.

4. Xukuumadda soo socotaa waa xukuumad ugu adeegi doonta bulshadeeda si siman.

5. Xukuumadda cusubi waxay xaqiijinaysaa in xilka Qaranka lagu kala sarrayn karo oo Madaxweyne, wasiir, taliye, agaasime, balse xuquuqda iyo sharciga loo siman yahay meel kasta oo la joogo.

6. Xukuumadda cusubi waxay la iman doontaa in 8 saacadood la shaqeeyo, iyada oo lagu dadaalayo in daryeelka shaqaalaha kor loo qaado hadba intii dhaqaalaheenu awoodo.

Beesha Caalamka:

Waxa aannu si buuxda oo aan baydh-baydh lahayn u raacnay tubtii iyo miqyaaskii beesha caalamka uga yaalay geedi-socodka Dimuqraadiyadda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay dhammaystirtay dhammaan haykalkii iyo qaab-dhismeedkii dawlad madaxbannaan looga baahnaa inay yeelato.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay hirgelisay doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo nidaamka xisbiyada badan.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay qayb wayn ka tahay nabadda iyo deganaanshaha Geeska Africa iyo Badda Cas oo ganacsiga caalamka badankiisa u ah marin muhiim ah.

Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo waxaas oo dhan qabsatay, haddana dawladaha caalamku waxay ka hag-radeen inay siiyaan aqoonsi buuxa.

Waxaannu u sheegaynaa beesha caalamka in aanaan ku faraxsanahay in nala caawiyo ee hamigayaga iyo fikradayadu ahayd in aannu annagu wax caawinno, beesha caalamka waxaannu u sheegaynaa waxaannu qabsanno ayuun baad wax noogu daraysaan ee wax gacan madhan ma soo taagayno.

 Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa maaha in aynu sugno caawimo shisheeye iyo hay’ad loo shaqo tago ee innagu waa in aynu wax qabsannaa, maaha isku dhererino Soomaaliya oo gubanaysa ee waa in aynu hiigsanaa halka ay gaadheen dalalka horumaray ee ay ka mid yihiin Maleesiya, Singabuur, Kuuriyada Koonfureed iyo kuwo kale oo badan oo inala awood ahaa ama innaga hooseeyey 1960-kii markii aynu madaxbannaanida qaadanay.

Waxaannu u sheegaynaa adduunka oo dhan haddaanu Somaliland nahay miisaaniyaddayada yar ee aan cidina naga caawin waxaannu ku ilaalinaa 780 KM oo bad ah, maanta adduunka waanu ognahay dagaallada iyo rabshadaha ka socda, taas oo aan cidina naga caawin ee dadkayaga iyo ciidankayaga ilaaliyaan, nabaddaana annaga ayaa ku fadhina kow, waxa nala wadaaga oo dheefteeda hela dalalka jaarka ee ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo guud ahaan caalamka oo dhan, dhaqaalaha aannu ku ilaalino baddaa dheer waxa uu ka go’anyahay waxbarashadayada, caafimaadkyaga, biyahayaga, waddooyinkayaga iyo horumarkayaga oo dhan, caalamka waxaannu xaq ugu leenahay inay nagu abaalmariyaan oo ay naga caawiyaan, aqoonsi buuxana siiyaan Somaliland.

Waxa aannu cod dheer ugu baaqaynaa bulshada caalamka in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal mudan inuu helo ictiraam caalami ah.

Intaas oo tallaabo oo Qarankani hore u qaaday, bulshada caalamka waxa aannu uga fadhinaa in ay garwaaqsato xaqiiqada hortaala ee ah in Jamhuuriyadda Somaliland xaq u leedahay inay hesho ictiraaf caalami ah.

Baaq:

Hawlahaas oo dhan sahal ku hirgali maayaan. Shacab iyo xukuumadba waxa aan codsanayaa in gacmaha la is-qabsado, danta guudna laga hormariyo danta gaarka ah, si aan u tirtirno dib-u-dhaca iyo saboolnimadda.

WAAD MAHADSAN TIHIIN DHAMMAANTIIN

ALLAA MAHAD LEH

Comments are closed