|

Sidee Ayay Xalay Wax Uga Dhaceen Maqaayadda Banaadir Beach ee Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho? DHAGAYSO

Muqdisho 26.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dableey Hubeysan ayaa weerar ku qaaday Maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalla xeebta Liido , waxaana la sheegaya in weerar ka hor uu Qarax ka dhacay afaafta Hore ee Maqaayadda Banaadir Beach ee xeebta Liido.

 

qaraxMaqayaadda ay weerarka ku qaadeen kooxaha hubeysan ayaa la sheegaya in ay joogeen dad aad u farabadan oo goobta ku nasanaayay sida ay sheegeen dad ku goobjoogayaal ah.

 

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxaan ay hareereeyeen goobtii weerarka lagu qaaday.

 

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayay gudaha Maqaayadda Banaadir Beach, waxaana la sheegaya in dableeyda ku gudaha u gashay Maqaayadda ay heystaan dad aad u farabadan.

 

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Maqaayadda Banaadir Beach lama oga  , laakiin Tiro dad ah ayaa ku Naf waayay.

 

Wariye Cabdiraxiin Daacad oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee goobta joogay ayaa sharaxaya si ay wax u dhaceen.

Comments are closed