|

”Sidaa ogtihiin Puntland Waxay Dagaal Kula Jirtaa Kooxaha Shabaab iyo Daacish, weerarkii Maamulka Somaliland Waxa Uu Gaashaan U Yahay Argagixisada Aan Dagaalka Kula Jirno,Shacabka Punt land Dagaal ha u Diyaar Garoobaan” Madaxweyne Gaas DAAWO

Garowe 10. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si adag uga hadlay weerarkii xooganaa ee dhawaan ciidamo katirsan Somaliland kusoo qaadeen Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

 

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in weerarka Somaliland ujeedkiisu ahaa carqaladeynta munaasabad balaaran oo ka socotay magaalada Garawe iyo booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ku joogo Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay taageeraan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira maamulka Puntland, waxa uuna weerarka Somaliland ku tilmaamay mid garab lagu siinayo kooxahaasi.

 

”Sidaa ogtihiin Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Shabaab iyo Daacish, weerarkii Maamulka Somaliland waxa uu gaashaan u yahay argagixisada aan dagaalka kula jirno” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

 

Cabdiweli Gaas ayaa Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya u diray fariin ahayd wixii ka dhasha weerarka Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadayo maamulkaasi, waxa uuna sheegay in weerarkaasi uu yahay daan daansi lagu hayo.

 

Madaxweyne Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda uu sheegay in lagu soo qaaday weerar gardaro ah, waxa uuna tilmaamay in ay ka jawaabi doonaan weerarka lagu soo qaaday.

Comments are closed