|

Sidee Ayaad U Noqon Kartaa Qof Bashaash Ah Oo Aan Kali Socod Ahayn?

Hargaysa 01. April 2017 (SDN/QJ):- Waxa had iyo jeer la yidhaahdaa “Qofka la jecel yahay waa qofka soo jiita Qulluubta Dadka marka ugu horreysa ee ay is arkaan, waliba intaanu hadal dhex marin ka hor”, haddaba si aad u noqoto qof bulshaawi ah oo ay Dadku qadarin iyo Ixtiraam u hayaan waxa habboon in aad yeelato Akhlaaqda wanaagsan ee uu Nabigeenu NNKH inagu dardaaray, Akhlaaqdaasi haddii aad ku dhaqanto waxay kaa yeelaysaa mid Dadka ku xeeran oo dhami aad u qadariyaan isla markaana Dad dhex gal leh, balse haddii aad ka fogaato Dardaarankaa uu Nabigu SCW inagu Dardaaray waxa aad inta badan ahaanaysaa qof kalidii noole ah oo aan Dad dhex gal, Akhriste ogow in Dad dhex galku aanu ahayn in aad noqoto qof hadal badan qaylo badan, laakiin Bulshaawinimada uu Nabigu SCW inagu Dardaaray waxaad ku  heli kartaa haddii aad qaadato talooyinkan:

Ku dedaal in aad had iyo jeer Dadka si Kal iyo Laab ah u salaanto adiga oo ku salaamaya Salaanta Islaamka.

Waa inaad had iyo jeer ahaataa qof u danbi dhaafa oo cudur Daara qofka ku Qaldama isla markaana cafiya.

Waa inaad noqotaa mar walba qof Bashaasha oo wajigiisu furan yahay haddii aad la joogto Dad aad garanayso iyo kuwo kaleba.

Ahaw had iyo keer qof runta sheega kana dheeraw Beenta iyo Nifaaqa.

Ku dedaal had iyo jeer in erayada kaa soo baxayaa ay noqdaan kuwa wanaagsan kana dheeraw erayada xun xun.

La Jeclaw Walaalkaa waxaad Naftaada la jeceshahay.

Akhriste Ogsoonow adiga ayaa naftaada u haya Farxada sidoo kalena adiga ayaa soo dhawaysan kara Dadka kugu xeeran haddii aad arrimaha aynu soo xusnay ku dhaqanto.

Comments are closed