|

Liiska Qandaraasyada Faraha Badan Ee Aan Loo Tartamin Ee Qaleylka Lagu Qaybsaday Dhawaan Iyo Dagaalka Dhaqaale Ee Ka Curtay Magaalada Berbera

London 01. April 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Siilaanyo intii ay hogaanka dalka haleeshay waxay isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii waxaana meesha ka baxday cadaalad u qaybintii midhihii dawladnimo, waxaa baaba’ay xaq-dhawridii wada-lahaanshihii qaranimo, Waxaana dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii, Hantidii guud iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka .

Kadib markii ay Xukuumadu Xeyndaabkii Baanankii dalka ku xaraysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama loo futeeyo lacagaha deeqaha ah ee deeq-bixiya-yaashu inoogu deeqaan.1Taasina waxay keentay in maanta Somaliland yeelato shaqsiyaad deris ku nool ah oo ku taajirey naasnuujinta xukuumadan dulmiso mudo kooban oo 6 sanadood ah.

Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku ganacsada oo laba lisay amaanadii lagu aaminey ee loo dhaariyey. Waxay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka,maganta,moorada, muquunada iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Boowe ! Bal ufiirsada oo isweydiiya Qandaraasyadan hoose ee dhinaca ka rarmay sifihii lagu bixiyey,cidii muquuno loo siiyey iyo muskii iyo miscirirtii lagu gufeeyey: Qandaraasyadan tirada badan ee Cadaalad darada lagu bixinayaa waxay nusqaan iyo naaneys xumo ku tahay haykalka iyo hogaaminta dawladnimo.

1- Qandaraaska Hoteelada Dalxiiska ee dhulka dadka iyo danta guud loo boobay

2- Qandaraaska dhismaha Deyrka dheer ee Suuqa xorta ah ( Free zone ).

3– Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Agabkii hore ee Dekeda Berbera

4- Qandaraaska isgaadhsiinta Dekeda, Free Zone ka iyo Shaqaalaha DPW

5- Qandaraaska qaybinta Shidaalka iyo Kaalimaha Shidaalka ee Dekeda iyo Free Zone ka

6- Qandaraaska Daabulaada shaqaalaha DPW iyo Dayactirka Gaadiidka DPW iyo Free Zone ka.

7- Qandaraaska Caymiska shaqaalaha iyo asadka Dekeda iyo Free Zone ka

8- Qandaraaska Nadaafada Guud ( Cleaning ) ee Bekeda iyo Free zone ka

9- Qandaraaska Keydka Qaboojiyeyaasha Dekeda iyo Free Zone ka

10-Qandaraaska Xawilaada lacagaha iyo sarifka lacagaha qalaad

11- Qamdaraaska Parking ka Dekeda iyo Free Zone ka

12- Qandaraaska Securitiga suuqa Xorta ama Free Zone ka

13- Qandaraaska Saadka shirkada DPW iyo shaqaalaheeda gaarka ah.

14- Qandaraaska qalabka xafiisyada iyo daabacaada rasiidhada iyo steekarada DPWorld.

15- Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera iyo Free zone ka

16- Qandaraaska sifeynta iyo tayeynta shidaalka Haamaha Berbera

17- Qandaraaska Dhismaha Wershada Hilibka ee Berbera

18- Qandaraaska Fayo- dhawrka Raashinka (quality control ) ee ka soo dega Dekeda Berbera .

19 – Qandaraaska Carbinta iyo Tabo-barida Shaqaalaha Dekeda DPW iyo Free Zone ka.

20- Qandaraaska Quudinta Shaqaalaha Dekeda Berbera, DPW iyo kuwa Free Zone ka.

Waxaa mushtamaca reer Somaliland indhahooda ku daalacdeen oo dhegahooda ku maqleen in 20-kan qandaraas ee sare dhawaan la siiyey laguna naasnuujiyey sife baalmarsan sharciyada qandaraasyada ee dalka u yaala shaqsiyaad ka mid ah ehelada madaxtooyada iyo shirkado sameys ah oo ay wax ku leeyihiin Wasiiradda ugu tunka weyn xukuumada Siilaanyo. Waxaa laga dhawaajiyey in Qandaraasyadan badan ee dhinaca ka raran aan Ganacsatada iyo shacabka Somaliland midna loo soo bandhigin si loogu tar tamo sife xalaal ah oo xor ah ( Fair competition ) laakiin waxaa lagu bixiyey sife qaraabo kiil ah oo gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah . Taas oo shacabka reer Somaliland ucadaysey in aan maanta loo sineyn Yuhuuntii iyo wada lahaanshihii midhihii dawladnimo, maadaama si cadaan ah loogu badheedhay in aan cadaalad lagu qaybsan mansabka,manfaca, maganta moorada iyo muquunadii uu qaranku wada lahaa. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa badbaado qaran iyo in qandaraasyadaa dib tendher loo mariyo oo tar tan xalaal ah loo maro cidii ku guuleysatana la siiyo.

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.! ee Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey-geyso” !

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)

Qalinkii : A/rahman Fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD PA

United Kingdom

London

Comments are closed