|

Sirdoonka Somaliland oo suxufiyiin Hargeysa ku weeraray

Hargeysa (QJ) – Laba wariye oo ka hawgalada magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xalay lagu bartilmaansaday xaafada Hargeysa ku taal.

Suxuufiyiinta oo kala ah Cali Mahdi iyo Cabdisalaam Germany ayaa sheegay in dhalinyaro sirdoon ah oo u shaqeeyay xukuumada Muuse Biixi ay bartilmaansadeen.

“Inamo yar yar oo aanu u malaynayno sir doonka, ayaa nasoo daba galay, dabadeedna laba gaadhi ayaa nalagu jaray, baastoolada ayaa lala soo baxay, markiiba laba xabadood ayay rideen… gaadhigi ayay igala dageen, runtii jug xoogan iyo dhaawac xoogan ayay ii gaysteen” waxa sida yidhi Cabdisalaan Germany oo gacanta midig dhaawac ka muuqdo.

Ciidamada ayaa suxufiga ku maagay hawshiisa wariyenimomo oo ay sheegeen in uu Madaxweynaha ku dhaliilo.

Suxufiyiinta oo weerarka ka warbixiyay ayaa sheegay in rasaas lagu riday.

“Mid baa nabar halkaa (wajiga) iga qabad siiyay, mid kale ayaa ku yidhi waa Cali Mahdi eh ka daa, markaa waxan dareemay markiiba in ay Cabdisalaan Germany u socdaan, mid baa bastoolad cabaystay, mid kale ayaa ku yidhi howlgal keena kuma jirin dil eh joog, Cabdi ayay ku miiseen, ka qabaan is idhi nin bistoolad haysta, ayaa joog igu yidhi, kadibna Cabdisalaan ayay garaaceen” ayuu yidhi Cali Mahdi.

Ciidanka sirdoonka Somaliland ayaa si isdaba joog ah u weerara suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta dhaliila xukuumada Muuse Biixi.

Weerarkan u danbeeyay ayaa imanaya xili Madaxweyne Biixi u joogo dalka Mareykanka sidii u iibin lahaa dimuqraadiyad uu sheegay in ay biyo dhigatay Somaliland.

Comments are closed