|

Siyaasi Xasan Guure Jaamac oo Musharrax Muuse Biixi ka dalbaday inuu Somaliland ka raalligeliyo Hadal ka soo yeedhay Sidoo Kalena la hadlay Labada Xisb Mucaarid DAAWO

Hargaysa 27. October 2017 (SDN/QJ):- Xasan Guure Jaamac oo ka tirsan Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee ku midoobay Madashada Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa farriin u diray Musharrixiinta Saddexda Xisbi, isla markaana Talo waafi ah ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Xisbiga Waddani ku sheegay mid Xamar laga taageero, waxaanu ka dalbaday in Muuse Biixi Shacabka Somaliland raalligelin ka siiyo hadalkaas.

Waxa uu Xasan Guure sheegay in isaga iyo Muuse Biixi ay is-ogyihiin, isla markaana hadalka uu Burco kaga dhawaaqay la mid yahay kii uu ka curtay Dagaalkii Sokeeye ee Hargeysa iyo Burco ka dhacay 1994-kii oo ay Dad badani ku dhinteen. Waxa uu Guure hadalkaa ku tilmaamay mid aanu Muuse Biixi ka filayn inuu maanta ku celiyo hadalkii uu 1994-Kii ka soo yeedhay afkiisa ee Beelo gaar ah lagula dagaallamay.

 

Xasan Guure Jaamac waxa uu sheegay inaan Musharrixiinta u tartamaya jagada Madaxweynennimo ee Somaliland ee Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani toona aanay ka yeeli doonin dhawaaqyada Bulshada lagu kala qaybinayo, isla markaana looga baahan yahay Barnaamijyo siyaasi ah oo ay taageerada Bulshada ku kala kasbadaan, balse looga dul-qaadan doonin wax Ummadda kala qaybinaya inay ku kacaan.

 

Xasan Guure Jaamac oo qodobbadaas iyo kuwo kale kaga hadlay War uu Hargeysa ku siiyey Star TV, waxaannu hadalkiisa iyo Taladiisaba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed