|

SOMALIA: Khasaaraha ka dhashay Qaraxyo ka dhacay Agagaarka Garoonka Muqdisho

Hargeysa,26,7,2016 (QJ/SDN) – Ugu yaraan 11-ruux oo isugu jira Ciidammo iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay laba Qarax culus oo maanta ka dhacay Agargaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Albaabbada Xalane iyo Garoonka laga kala galo.

Wararka ayaa sheegaya in Qaran dadka ku dhintay ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana ka dambeeyay qaraxyadan Al-shabaab, sida ay ku daabaceen barahooda.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dhaawacyo ay tiro badan yihiin, laakiin lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhaawacmay, iyadoo isbitaalka AMISOM la dhigay dhaawacyo kala duwan.

Qaraxyadaan, ayaa sidoo kale burbur xooggan gaarsiiyeen dhismayaal ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho, gaar ahaan qaybta loo yaqaanno VIP-da ee martidu ay ku nastaan iyo qaybo kale.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay Qaraxyadan ku dishay tiro badan oo ciidanka AMISOM ka tirsan, iyagoo sheegay in qaraxyadu laba ahaayeen, ayna si gaar ah ula eeganayeen xerada ciidamada AMISOM ee Xalane.

Dowladda Soomaaliya iyo Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin Qaraxyadaan iyo Khasaaraha ka dhashay, iyadoo Tani aysan ahayn markii ugu Horreysay oo ay Al-shbaaab Qaraxyo la beegsato Xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM.

Ugu dambeyn, Xaaladda agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa weli kacsan, iyadoo dhaqdhqaaqana la hakiyay, balse wiixi warar ah ee kasoo kordha qaraxyadan waxaad kula socon kartaan HOL haddii ALLE ogolaado.

Comments are closed