|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Dhagax Dhigay Dhamaystirka Iyo Dhismaha Jidka Isku Xidha Magaalada Hargaysa iyo Tuuladda Xamaas ee Gobolka Saaxil DAAWO

Hargaysa 26.July 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta dhagax dhigay dhammaystirka  mashruuca dayactirka  iyo samaynta wada isku xidha Hargaysa ilaa Tuulada Xamaas ee Gobolka Saaxil oo dhererkeedu dhan yahay 33 KM Taas oo ka mid ahayd 78 Km oo dib u habayn lagu samaynayay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen, Gudoomiyaha ahna murashaxa xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo xubno wasiiro ah, ayaa waxa ku soo dhaweeyey tuulooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, masuuliyiinta gobolka Saaxil oo ay horkacayaan gudoomiyaha gobolkaasi mudane Jaamac Yuusuf, Duqa Magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin), iyo Maareeyaha Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Eng Cali maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor), waxa kale oo madaxweynaha iyo weftigiisa aad u soo dhawaynayey dadweynaha ku dhaqan deegaamada uu sii maray.

 

Comments are closed