|

Somaliland: ”Heshiis Lagama Gaarin Maamulka Hawada, Waxaana Gacanta Ku Haysa Hay’adda Qaramadda Midoobay ee ICOA” & Nuxurka Waraysi uu Bixiyey Wasiirka Duulista Hawada DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa sheegtay in ay Hay’adda QM u qaabilsan duullimaaddada madaniga ah ee ICOA ay maamulka hawada sii hayn doonto ilaa sannadka dambe, isla markaana aan wali heshiis laga gaadhin cidda lagu wareejinayo maamulka.

Wasiirka wasaaradda duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa VOA u sheegay in arrinta maamulka hawadu yahay mid u yaalla wadahadalladii hakaday ee u dhaxeeyay dawlada Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa wasiirka waraystay. Waxaanu ugu horrayn wasiirku ka hadlayaa sida ay u arkaan in Hay’adda ICOA maamulkii hawada ay ku wareejinayso dawladda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed