|

Somaliland iyo bangiyada islaamka

dh

Soomaaliland bangiyo nooc ma ah ayaa ay ubaahan tahy?

Bangiyada islaamka :milicsi taariikheed

Sanadku markuu ahaa 1936 ayaa Bangigii ugu horeeeyay oo ku shaqeeya nidaamka maaaliyadeed ee islaamka laga furay magaalada mit-qamar ee dalka masar.

Inkastoo bangigaa markiiba irida laysugu dhuftay ,arimo siyaasadeed daraadeed ,haddana ,mudadii yarayd ee uu shaqaynaayay waxa uu yeeshay macaamiil aad utiro badan ooh al milyan sare udhaaftay .chapra(2001) waxa uu tilmaamay in bangigaas  iyo labadii kahoreeeyay ,oo midna laga hirgaliyay Pakistan midna malaysiya,ay dumiyeen darbigii khiyaaliga ahaa ee muslimiinta ka hor taagnaa yagleeelidda nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada islaamka (labada isku dayaay ee u horeeyay may ahayn bangiyo buuxa ee waxa ay ahaayeen haayado qabanaya qaarka mid ah adeegyada bangiyada)

Dumintaa dar bigaa khiyaaliga ah waxa xigay aasaasida bangiyo kale oo baaxad wayn sida:

dubia Islamic bank  oo laga kuyaalay imaaraad ka carabta magalada dubia sanadku markuu ahaa 1975kii.

Faisal islaamic bank oo laga aasaasay  dalka masar  iyo suudaan sanadkii 1977kii

“Islamic bank of Jordan” iyo Islamic bank of bahran ayaa iyana irida loo furay sanadkii 1978kii.

Yagleelidii bangiga horumarinta islaamka (IDB) sanadkii 1973-dii ayaa isna culays ku soo kordhiyay hamigii larabay in lagu dhiso nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada islaamka.

Soo if-baxa bangiyada islaamka waxa dhinac socday baraarug siyaasadeed oo ahaa in dhaqaalaha dunida islaamka laysu furo iyadoo si qunyar qunyar loo hirgalinaayo bangiyo ku shaqeeya nidaamka islaamka

50 sano kadib,hayadaha ku shaqeeya nidaamkamaliyadeed ee islaamka(Islamic financial system),waxa ay madaxa lasiigalayaan 1,300  oo hayadood, ku baahsanyihiin wax ka badan 100 waddan; gacantana ku hayaan hanta sare u dhaaftay $2.1 trilliyan sida ay soo bandhigtay Erest and young (2012) hantidaasi sanadkii 2013-kii waxa ay madaxa ladhaaftay $2.5 triliyan inta ka horaysa 2017 waxa ay madaxa la dhaafi doontaa $5 trilion

Maxa  hortaagan bangiyada islaamka?

1: Bangiyada ribada ku shaqeeyaa waxa ay salka ku hayaan nidaam gaamuray oo boqolaal sano jirsaday , garab istaag buuxana ka helaan wadamadooda,dhinca dunida islaamka ,howsha xoogeeda waxa dhabarka uritay shaqsiyaad iyo haayado kooban.

2:ma jiraan macaahid badan oo soo saara dad aqoon ulleh bangiyada islaamiga ah ku waasoo daboola baahida macaamiishooda soona kordhiya adeegyo cusub.

3: tartanka culus ee kaga imanaaya bangiyada ribada ku shaqeeya oo kaa shanaya dawladahoooda,bangiyadaas oo mararka qaarkoodna fura laamo ku shaqeeya nidaamka islaamka ama adeegyo waafaqsan shareecada islaamka

Sidaa awgeed bangiyada islaamka waxa hortaagan darbiyo fara badan.

Majiro wadan aynu odhankaro waxa kashaqeeya nidaam Islamic bank oo pure ah

Wadamada islaamka oo dhan waa ay ka furanyihiin bangiyada ribada ku sha qeeya!!

 

Maxa ka hor taagan in ay soomaliland salka udhigto’ pure Islamic bank?

Somalind waxa ay jaanis u heshay in ay noqoto wadanka kaliya ee aan ribo cagaha lagalin ee aanu nidaam bank laga isticmaalin taasi waxa ay siinaysaa Somaliland jaanis ay ku noqonkarto waddankii kalya ee isticmaalay pure Islamic bank waayo waxa jiray sadex wadan oo kahoreeyay kuna fashilmay in ay wadamadooda ka hir galiyaan nidaamka maaliyadeed ee islaamka oo shaykale aanu taraxin sababtuna waxa ay ahayd iyagoo markii hore ribo lugaha lagalay si fududna ugala soo bixi kariwaayay( Pakistan,iran and sudan)

Hadii ay iskaashadaan cululmada iyo aqoonyahanka ufikiraya sida islaamk waxa daahfurikaraan nidaam pure Islamic bank ah .

Email: Halacdajiye@gmail.com

Phone: 00252634107852

Comments are closed